"Jeermis carruurtaada ka difaaci kara cudur dilaa ah"

Jeermis Lahaanshaha sawirka Science Photo Library

Nolosha casriga ah ee jeermis la'aanta ah ayaa keentay in ay carruur qaadaan nooc ka mid ah xannuunka Kansarka, sida uu sheegay mid ka mid ah saynisyahannada caanka ah ee Britain.

Noocan Kansarka ee loo yaqaanno leukaemia ayaa saameeya mid ka mid ah 2,000 ee carruur ahba.

Bare Sare Mel Greaves oo ka tirsan Mac'hadka Daraasaadka Kansarka (Institute of Cancer Research), ayaa soo bandhigay caddaymo uu soddon sano aruurinayay oo muujinaya in habka difaaca jirku uu noqdo mid aan tabargal ahayn haddii "uusan" jeermis ku filan arkin qaybaha hore ee nolosha.

Taas waxay ka dhigan tahay in ay macquul tahay in laga hortagi karo xannuunka.

Dhacdooyin la isku laray

Noocan kansarka ee dhiigga ku dhaca ayaa ku badan bulshooyinka horumaray ee ladan, taas oo tilmaamaysa in nolosheenna casriga ah ay qayb ka tahay xannuunka.

Waxaa jiray sheegashooyin aan cago badan ku taagnayn oo sheegayay in kansarka lala xiriiriyay, fiilooyinka korontada, hirarka danabyada iyo kiimikooyinka, waxaase arrimahaas meesha ka saaray jariiradda caafimaadka ee Nature Reviews Cancer.

Bare Sare Greaves oo cilmibaareyaal kale oo adduunka daafihiisa ku kala sugan la kaashaday ayaa sheegay in xannuunku uu saddex marxaladood maro.

  • Midda koobaad waxay u muuqataa in isbadal uu ku yimaado hidde-sidaha oo aan la joojin karin uu ka dhaco ilmogaleenka.
  • Intaas ka dibna in jeermiska uusan si toos ah ugu dhicin sannadka koobaad, taasina ay horseeddo in habka difaacca jirku uusan si sax ah ula dagaalamin khatarta.
  • Arrintaasi waxay sahashaa in caabuqa uu ku dhaco carruurta, kaas oo dhaliya in uu wax tari waayo difaacooda jirka, isla markaasna uu keeno kansarka leukaemia.

"Aragtidam la mideeyay" ee kansarka leukaemia kama dhalanin hal cilmi baaris oo kali ah, ee waxay ka timid caddaymo la arruuriyay oo muujiyay waxa sababa xannuunka.

Bare sare Greaves wuxuu sheegay in cilmibaaristan ay tilmaameyso in nooca kansarka ee lymphoblastic leukaemia uu si toos ah ula xiriiro jirka bani'aadamka uuna ka dhasho caabuqyo kala duwan oo ku jiray jirka carruurta ee difaacooda uusan sida la rabay u diyaarsanayn.

Caddaymaha arrintaas lagu xoojiyay waxaa ka mid ah:

  • Hargabka swine flu oo ka dilaacay Milan oo horseeday in toddobo carruur ah ay qaadaan kansarka leukaemia.
  • Cilmibaarisyo muujiyay in carruurta aada iskuullada xannaanada ama carruur ka wayn ay la dhasheen, ee bakteriyada si toos ah loogu gudbiyo in uu ku yaryahay xannuunka leukaemia marka kuwa kale loo fiiriyo.
  • Naas nuujinta oo keenta bakteeriyo aan dhibaato lahayn ayaa ka hortagta kansarka leukaemia.
  • Wuxuu ku yaryahay carruurta ka dhasha xubinka taranka, wuxuuna kaga badan yahay kuwa lagu qalo hoyadood oo bakteeriyo yar ay raacdo.
  • Xayawaanka lagu koriyo meel aan bakteeriyo lahayn waxay qaadaan xannuunka leukaemia marka meel caabuq leh la geeyo.

Cilmibaristan waalidka marnaba kuma dhaliilayso in ay nadaafad badan yihiin.

Taas baddalkeeda waxay muujinaysaa in ay saamaynteeda leedahay horusocodnimada bulshada iyo dawada.

In aad hesho bakteeriyo aan dhibaato lahayn waa arrin jahwareer leh, mana aha in aad wasakhda aqbasho.

Laakiin bare sare Greaves wuxuu leeyahay "waxa ugu muhiimsan ee lagala bixi karo ayaa ah in kansarka carruurta ee leukaemia ay u badan tahay in uu yahay mid laga hortagi karo."

Aragtidiisuna waa in carruurta la siiyo cabitaanno ay ku jirto bakteeriyo aan waxyeello lahayn sida ciirta - kuwaas oo gacan ka siinaya in habka difaacoodu uu ku tababarto.

Fikirkaas ayaana u baahan in cilmibaaris intaas ka sii badan la sameeyo.

Inta taas laga samaynayana bare sare Greaves wuxuu ku talinayaa "in waalidku aysan dareen badan ka qaadin bakteeriyooyinka iyo caabuqyada caadiga ah, ayna carruurta ku dhiirigaliyaan in ay dhexgalaan bulshada iyo carruurta ka waawayn".

Dr Alasdair Rankin oo madax ka ah hay'adda cilmibaarista ku samaysa kansarka dhiigga ee Bloodwise ayaa yiri "waxaan waalidka ugu baaqaynaa in aysan walwal ka qaadin cilmi baaristan".

"Inkasta oo difaaca jidhka oo xoogaysta xilliga carruurnimada uu sii yareeyo halista, haddana ma jiro wax si dhamaystiran loogaga hortagi karo kansarka carruurnimada ee leukaemia."

Jeermiska wanaagan

Cilmibaaristan ayaa qayb ka ah isbadalwayn oo ku imaanaya dawada.

Ilaa hadda waa la iska daweeyaa bakteeriyada iyadoo loo arko mid xun. Haddana in la aqoonsado doorka muhiimka ah ee ay caafimaadkeenna u leeyihiin ayaa isbadal ku keenaya fahamka aan ka haysano xannuunnada ay ka midka yihiin elerjigga, laleebada, noocaha kansarka ee leukaemia iyo murugada xad dhaafka ah.

Bare sare Charles Swanton oo ka tirsan xarunta cilmibaarista ee Cancer Research UK ayaa sheegay in xannuunka kansarka ee leukaemia in uu yahay mid naadir ah, isla markaasna aan la ogayn in ay jiraan waxyaabo la samayn karo si looga hortago ama xag xirfad caafimaad ama xag waalid ha noqoto ee.

"Waxaan rabnaa in aan u caddeeyo waalidka ay caruurtoodu qabaan kansarka leukaemia ama uu horay ugu dhacay in uusan jirin wax aan ognahay oo lagala hortagi karay xannuunkaas.

Mowduucyada la xiriira