Xiisad dublamaasiyadeed oo ka dhex aloosan Venezuela iyo Mareykanka

Mr Robinson waxaa la siiyay in 48 saacadood gudahood uu dalkaasi uga baxo. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mr Robinson waxaa la siiyay in 48 saacadood gudahood uu dalkaasi uga baxo.

Dowladda Venezuela ayaa dalkeeda ka ceyrisay wakiil sare oo ka tirsan dublamaasiyiinta Mareykanka.

Madaxwayne Nicolas Maduro ayaa ku eedeeyay Todd Robinson oo ah dublamaasi Mareykan ah in uu wado shirqool ka dhan ah dowladdiisa.

Mr Robinson ayaa la siiyay in 48 saacadood gudahood uu dalkaasi Venezuela uga baxo.

Mr Maduro ayaa hadalkan ku dhawaaqay ka dib markii uu ku guulaysatay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Doorashada ayaa waxaa qaadacay siyaasiyiinta mucaaradka dalkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid khiyaano ah oo aan si xaq ah u dhicin.

Waxa ay sidoo kale Mareykanka ku hanjabeen in ay cunaqabatayn cusub ku soo rogi doonaan dowladda hanti wadaaga ah.

Mr Maduro ayaa sheegay in tallaabooyiinka Mareykanka ay gef ku yihiin waxa uu ugu yeeray sharafta dalkaasi.

Dalka Venezuela ayaa waxa ka jira dhibaato dhanka dhaqaalaha ah waxaana sicir bararka dalkaasi uu gaaray heerkii ugu sareeyay.

Mowduucyada la xiriira