Caalamka oo looga debaldegayo maalinta ka hortagga isku furanka haweenka umulaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caalamka oo looga debaldegayo maalinta ka hortagga isku furanka haweenka umulaha

Maalinta ka hortagga isku furanka haweenka umulaha ah ayaa sanad walba heer caalami laga xusaa.

Haweenka ugu badan ee uu iskufuranku ku dhacana waxaa keena waxyaaba badan oo ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga, guurka aan qaan gaarka ahayn iyo fool daba dheeraata oo ay haweenka la kulmaan.

Haddaba haweenka ku dhaqan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya sideey uga hortagaan dhibaatadaasi mase jiraan haween uu dhibkaa soo gaaray.

Warbixin amuurtaasi ku saabsan waxaa magaalada jigjiga nooga soo diray C/naasir Sh.maxammed Xikam