Kenya, Uganda iyo Tanzania oo isu bahaytstay 'ololaha ka dhan ah wararka beebn abuurka ah'

Uhuru Kenyatta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in sharciga cusub uu gacan ka gaysan doono maxkamadeynta dambiyada internet-ka

Sharci cusub oo lagu wado in laga dhaqangeliyo waddanka Kenya ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee laga hirgeliyo Bariga Afrika ee lagu ciqaabayo ciddii baahisaa "warar aan sugnayn" iyadoo sidoo kale muddo dheer la xiri doono ciddii dambigaasi lagu helo.

Sharcigu waxa uu ganaax lacageed oo gaaraya $50,000 ama ilaa laba sano oo xarig ah uu dul dhigayaa ciddii daabacdaa "warar been abuur ah".

Sharcigan ka hortagaya in si khaldan loo isticmaalo kumbuyuutaradda iyo in la gaysto dambiyada internet-ka ayaa sidoo kale waxa uu dambi ka dhigayaa in xadgudub lagu gaysto baraha bulshada ama dad loogu cagajugleeyo.

Dadka ka soo horjeeda shuruucda "wararka been abuurka ah" ee Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa sheegaya in shuruucdaasi loogu talagalay in afka loogu qabto warbaahinta madaxa bannaan.

Golaha Ilaaliya Weriyayaasha ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu sharciga qabyada ah dib ugu celiyo baarlamaanka si looga saaro qodaba uu Golahaasi leeyahay waxa ay ku xadgudbayaan xorriyadda saxaafadda iyo hadalkaba.

Kooxdan u doodda xuquuqda weriyayaasha ayaa sheegtay in qeyb ka mid ah sharciga uu dambi ka dhigayo in dadka lala wadaago xogta dowladda iyo in lagu dhaqaaqo galaangal aan la ogolaan taas oo baabi'inaysa sharcigii ilaalin jiray dadka baahiya wararka qarsoodiga ah.

Sida uu qabo Ururka tafaftirayaasha warbaahinta Kenya, sharcigan "waxaa suuragal ah inay si khaldan ugu adeegsadaan mas'uuliyiinta qaranka si ay u xaddidaan xorriyadda warbaahinta".

Maxaa sharcigan loo meelmariyay?

Madaxweyne Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in sharciga cusub uu asaas qaanuuni ah siin doono qaabkii lagu maxkamadeyn lahaa dambiyada lagu gaysto internet-ka, sida sawirrada anshaxa ka fog ee carruurta, in kumbuyuutar kharash lagu qaato iyo in lagu aqoonsado waxyaabaha la xado.

Sharcigu waxa uu sidoo kale dambi ka dhigayaa in "faragelin aan la ansixin" lagu sameeyo kumbuyuutar, taas oo uu sharciga sheegayaba in ciddii lagu helaa lagu ganaaxi doono $100,000 ama shan sano oo xarig ah haddii waxa uu ku dhaqaaqay ay halis ku tahay ammaanka qaranka amaba ay ka dhalanayso khasaare dhaqaale.

Bishii Maarso, dhowr xildhibaan ayaa waxa ay ka cawdeen in internet-ka looga hanjabay, iyadoo qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha ay sheegeen in loo soo diro sawirro anshax xumo ah halka kuwa kalana ay sheegeen in magacyadooda baraha ay bulshada ku wada xiriirto loogaga furtay koontooyin been abuur ah.

Maxay dadka arrintan ka soo horjeeda leeyihiin?

Nic Cheeseman, oo ah barfasoor dimuqraadiyadda ka dhiga Jaamacadda Birmingham ee UK, ayaa sheegaya in dadaallada ka soconaya qaaradda ee la doonayo in lagu meelmariyo shuruucda lagu xakameynayo "wararka been abuurka ah" looga gol-leeyahay arrimo kale.

"Waxaa jirta halis weyn oo ah in sida laga dhaxlay sharciga argagixiso la dirirka, dowladaha ay sida ay rabaan ka yeelaan arrimo jiro si ay u riixdo isbadel caburin ku salaysan kaas oo dhab ahaantii loogu talagalay inay ku xoojistaan awoodahooda," ayu yiri.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warbaahinta Kenya ayaa sharciga cusub u aragta iskuday kale oo afka loogu qabanayo

Qaar ka mid ah dadka interner-ka wax ku qora ee Kenya ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen warbaahinta. Waxa ay soo jiiteen kumannaan, mararka qaar milyan qof oo ku soo raaca baraha bulshada, waxaana lagu yaaqaanaa in saameyntooda ay ku iibsadaan in online-ka ay hadba dhinac ugu weeciyaan.

Gaar ahaan waxa ay aad ugu mashquulsanaayeen intii ay socotay doorashadii sanadkii tegay, taas oo uu si weyn u hareeyay warar been abuur ah oo lagu baahinayay baraha bulshada.

Maxaa ka soconaya Tanzania?

Xaaladdu sidaas ugama duwana dalka Kenya dariska la ah ee Tanzania halkaas oo mas'uuliyiinta ay dhawaantan daabaceen shuruuc cusub oo dadka wax ku qora internet-ka ay tahay inay ku bixiyaan $920 si ay xaq ugu yeeshaan inay online-ka wax ku daabacaan.

Dowladda ayaa sheegaysa inay doonayso inay qarankaasi Bariga Afrika ku yaal ka ilaaliso in "been" lagu faafiyo online-ka, walow dadka arrintaasi dhaleeceeya ay u arkaan inay thaay waddo lagu caburinayo xorriyadda hadalka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne John Magufuli ayaa taageeray sharci muran badan uu ka taagan yahay oo ku saabsan wararka lagu qoro internet-ka

Madaxweyne John Magufuli ayaa sheegay inuu hiigsanayo "inuu ka takhaluso" waxa uu ugu yeeray inuu yahay "cudur"

Shuruucda cusub ayaa waxa ay dhigayaan in dadka wax ku daabaca internet-ka iyo kuwa wax ku baahiyaba ay tahay inay isdiiwaangeliyaan oo bixiyaan $480 si ay u helaan shati ay ku shaqeysan karaa muddo saddex sano ah, iyo weliba $440 oo ay tahay in sanadkiiba ay mar shubaan.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaase hakisay dhaqangelinta shuruucdaasi kaddib markii koox u doodda xuquuqda aadanaha iyo kuwa kale oo matalayay warbaahinta ay maxkamadda geeyeen dacwad liddi ku ah shuruucdaasi.

Haddaba haddii sharcigu uu meel maro, waxaa dadkii ku xadgudbaa lagu ganaaxi doonaa $2,000 ama waxaa la xiri doonaa muddo aan ka yareen 12 bilood, ama labadaba waa la isugu dari doonaa.

Maxaa ka jira hadalheynta canshuurta lagu soo rogay baraha bulshada ee Uganda?

Dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa hakisay qorshe la doonayay in "baraha bulshada ay ku wada xiriirto" loogu soo rogo canshuur kaddib markii wasaaradda ganacsiga ay sheegtay inay u baahan tahay inay wadatashi ka sameyso sida loo meel marin karo canshuur noocaas oo kale ah.

Mr Museveni ayaa soo jeediyay in la canshuuro Facebook iyo WhatsApp, isagoo sheegay in kharashkii ka soo baxana uu dalka ka caawin doono "inuu ka soo kabsado cawaaqibka ka dhasha Olugambo [hadallada aan la hubin]".

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Museveni ayaa canshuur ku soo rogay baraha ay bulshada ku wada xiriirto

Waxa uu dhawaan yiri "Waxaannu gacanta ku qabanaynaa baraha bulshada. Waannu garaneynaa cidda baahiso fariimaha neceybka abuura. Waannu baadi goobi doonnaa, oo nidaam anshax ah oo ku habboon ayaannu marsiin doonnaa ."

Dadka cambaareeya ayaa sheegaya in hoggaamiyahan 73 jirka ah uu doonayo inuu cabburiyo xorriyadda saxaafadda iyo dadka ka soo horjeeda qorshaha uu ku doonayo inuu ugu tartamo doorashada 2021. Dowladdiisa ayaa waxa ay albaabbada isugu dhufatay dhammaan baraha bulshada ee dalka ka jiray intii ay socotay doorashadii 2016-ka.

Shir dhawaan uu la yeeshay milkiilayaasha warbaahinta iyo tifaftirayaasha, ayuu Madaxweyne Museveni waxa uu ku baaqay iney wararka ay 'kala saaraan' oo aanay baahinin warar 'been ah'.

Dowladda Uganda ayaa waxa ay soo kale qorshaynaysaa inay sanadkan daaha ka rogto Facebook iyo Twitter iyada u gaar ah.

Mowduucyada la xiriira