Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya oo kordhineysa duullimaadyada Kenya

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay duullimaadyada ay diyaaradaheeda ku tagayaan dalka Kenya

Lahaanshaha sawirka FBC
Image caption Shirkadda diyaaradda Itoobiya oo duulimaadyadeeda Kenya kordhineyso

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed markii uu dhawaan booqasho ku tagay Kenya heshiiska uu la gaaray madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa keentay in la kordhiyo duullimaadyada ay shirkadda ku tagto Kenya.

Xilligii ay labada hoggaamiya kulmeen ayaa waxay ku heshiiyeen laga billaabyo 24-ka bisha Juunyo 2018, ay magaalada dalxiiska ee Mombasa ay maalin walba ku tageyso duulimaad laba jeer ah.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay magaalada Nairobi duullimaad ku tagtaa maalin kaste.

Dhinaca kale labada hoggaamiye waxaa kale oo ay heshiis ku gaadheen in la sii daayo macabiista Itoobiyaanka ah ee ku xiran xabsiyada dalka Kenya, sida uu sheegay afhayeen u hadlo wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Ilaa iyo haddana safaaradda Itoobiya iyo laanta Socdaalka ee kenya ayaa waxay ku howlan yihiin diyaarinta maxabiista Itoobiyaanka ah iyo sharcigii ay ku safri lahaayeen howshaa markay dhammaatana dalkooda dib loogu celinayo.

Dowladda Itoobiya waxay horaan ay xabsiyada Suudaan iyo Sacuudi Carabiya uga sii deysay muwaaddiniin Itoobiyaan ah oo ay tiradoodu gaadheyso 2,400.

Mowduucyada la xiriira