Haweenay Madoow ah oo taariikh cusub ka samaysay siyaasadda Maraykanka

Stacey Abrams Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Stacey Abrams

Xisbiga Dimoqoraadiga ayaa u xushay Stacey Abrams in ay noqoto musharaxa u taagan xilka barasaabka gobolka Georgia.

Haweenaydan ayaa noqonaysa qofkii koowaad oo madoow ah oo dumar ah, oo loo xusho musharaxnimo heerkan ah, waxaana jirta suurtogalnimada in ay tartanka doorashada ku guuleysato.

Stacey oo horey u ahaan jirtay xildhibaan, ahna qoraa, ayaa ku guuleysatay baratankii xisbiga dhexdiisa.

Waxa ay wajahaysaa musharaxa xisbiga jamhuuriga ee madaxweyne Donald Trump marka la gaaro doorashooyinka bisha novembar.

Haddii lasoo doorto, waxa ay noqonaysaa qofkii ugu horeeyay ee aan caddaan ahayn oo gobolkaasi hoggaamiyo.

Dhawr dumar ayaa ku guuleystay gobolka Kentucky, Arkansas iyo Texas, waxayna muujinaysaa in dumarka ay siyaasadda usoo galayaan si xoog leh.

Gabadhan ayaa ka guuleysatay haweenay kale oo ay isku magac yihiin oo la yiraahdo Stancey Evans.

Waxa ay horey aad ugu taageertay Hillary Clinton oo u sharaxnayd madaxweynenimada Maraykanka sanadkii 2016-kii. Haatan Mrs. Clinton ayaa si xooggan u taageertay musharaxnimada Mrs. Stacey.

Waxaa kale oo ay taageero ka heshay siyaasiyiin miisaan leh sida Bernie Sanders iyo kuwa kale oo loo malaynayo in ay yihiin musharixiinta madaxtinimo ee sanadka 2020-ka.

Waxa ay horey u qortay buugaag jacaylka ka hadlaya oo mala'awaal ah.

Mowduucyada la xiriira