Dilal qorsheysan oo lasoo duubay iyaga oo laga fulinayo Muqdisho

Sawir Hore : Muqdisho
Image caption Sawir Hore : Muqdisho

Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ka tirsan oo lagu tooganayo bartamaha magaalada Muqdisho.

Isla kooxdan ayaa sidoo kale sheegatay in ay dhaawaceen askari kale oo ciidanka dowladda ka tirsan.

Hase yeeshee afhayeen ka tirsan booliiska Soomaaliya , Qaasim Axmed Rooble ayaa beeniyay sheegashada Daacish, wuxuuna yiri "Wax dil ah oo qorsheysan oo cadawga ka fuliyeen magaalada Muqdisho ma jiraan, dilal waa ka dhacaan, laakiin sida iyagu u hadlayaan waxbo uma jiraan".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida ay dadka reer Muqdisho u arkaan qaadka la joojiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Bandhiga buugaagta Muqdisho oo furmay

Inkasta oo Daacish aysan aad uga hawlgalin caasimadda si la mid ah Alshabaab, ayuu Afhayeenka booliiska sheegay in marar hore ay soo bandhigeen dad Daacish ka tirsan oo ay soo qabteen.

Waxa ku cusub dhacdadan ayaa ah in lasoo duubay, lana soo bandhigay.

Mowduucyada la xiriira