Amnesty: ciidammada Nigeria ayaa tacadiyo u gaystay dumar Boko Xaram ka firxanaya

CIiidammada Nigeria Lahaanshaha sawirka AFP

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa milatariga Nigeria ku eedaysay in ay tacadiyo u gaysteen dumar iyo gabdho magangalyo raadis ah oo ka firxanaya ururka Boko Xaraam oo ku sugnaa waqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Waxbixintan oo loo bixiyay "way na khayaaneen" ayay Amnesty sawir xun kaga bixisay milatariga ku sugan gobolka Borno.

Hay'addu waxay sheegtay in ciidammadu ay dumarkii ka sooceen ragoodii kuna xireen goobo ka fog halkaas oo ay ku kufsadeen, mararka qaarkoodna ay cunto kaga baddasheen.

Waxay sidoo kale ciidammada ku eedaysay in dumarka ka firxanaya rabshadaha lagu qasbay in ay xiriir la sameeyaan qaar ka mid ah milatariga.

Waxay intaas ku dartay in milatarigu ay ka faa'iidaysteen baahida xad dhaafka ah ee taalla xeryaha qaxootiga, waxaana lagu warramay in sagaal dumar ah lagu kufsaday.

Amnesty waxaa kale oo ay sheegtay in dumar looga shakisan yahay xaasaska Boko Xaram loo xirxiray si aan loo kala aaboyeelin. Lana sheegay in ay dhinteen shan ka mid ah iyo 32 carruur ah.

Warbixintan ayaa ku qotanta waraysi lala yeeshay 250 ruux intii u dhaxaysay 2016kii ilaa 2018kii.

Hay'addan xuquuqda aadanaha u dooda waxay sheegtay in mashaakilka halkaas laga gaystay uu noqon karo dambi dagaal.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa cambaareeyay warbixinta, eedaymaha kufsigana wuxuu ku sheegay been abuur.

Mowduucyada la xiriira