Kuuriyada Waqooyi oo burburisay goobahii ay ku tijaabin jirtay Nukliyeerka

Sawirro lagu soo qaaday Satellite-ka oo muujinaya goobaha inta aanan la burburin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Sawirro lagu soo qaaday Satellite-ka oo muujinaya ka hor inta aanan la burburin goobaha

Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay burburisay goobahii ay ku tijaabin jirtay Nukliyeerka, waana tallaabo ay ku dajinayso xiisadda ka taagan gobolka.

Wariyeyaal shisheeye oo lagu casuuumay inay goob joog ka noqdaan burburinta xarunta tijaabada Nukliyeerka ee Punggye-ri ayaa sheegay inay arkeen qarax wayn oo goobta ka dhacay.

Xukuumadda Pyonyang ayaa dhawaan sheegtay in ay cagta marinayso goobaheeda tijaabaada Nukliyerka si ay usii xoojiso xiriirka dublumaasi ee kala dhexeeyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Balse Saynisyahanada ayaa aaminsan in qaar kamid ah goobahaasi uu burbur soo gaaray kaddib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Nukliyer bishii Sabtembar ee sanadkii 2017-dii.

Baarayaasha madaxabannaan looma ogolaanin inay goob joog ka noqdaan burburinta goobaha tijaabada nukliyeerka ee dhaca dhulka buuralayda ah halka dadka qaar ay ka walacsan yihiin in goobahan dib loo soo celin karo.

Arrintani ayaa imaanaysa xilli la filayo in 12-ka bisha juunyo ay dalka Singapore ka dhacaan wadhadalada la qorsheeyay ee u dhexeeya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Si kastaba, baryahan dambe labada dal ayaa sheegay in kullanka uu dib u dhici doono ama in la qaadaco.

Saddex xarumood ayaa lagu hor burburiyay 20 wariyeyaal ah oo caalamka laga soo xushay.

Waxaa lagu soo warramayaa in subixii labo qarax lala beegsaday xarumaha tijaabada nukliyerka halka duhurkii afar kalena lagu dhuftay goobahaasi sii ciidda loola simo.

Tom Cheshire oo ah wariye ka socday warbaahinta Sky News ayaa sheegay in ay fiilooyin badan daadsanaayeen goobta "sida baaxadda leh loo burburiyay".

Wuxuu yiri " Waxaan maqalnay dhawaq xoogan, boor iyo kuleel goobta kasoo baxayay"

Maxaan ka ognahay goobaha Nukliyeerka?

Kuuriyada Waqooyi ayaa goobahan ku tijaabisay Nukliyeer lix jeer ilaa sannadkii 2006-dii gaar ahaan dhulka buuralayda Mantap.

Waxaa la sheegay inay yihiin goobaha kaydka Nukliyeerka dalkaasi, hadda waxay tahay xarunta tijaabada nukliyeerka kaliya ah ee ay ka shaqayso dunida oo idil.

Waxayna ku taalla meel 370 kiilomitar u jirta Waqooy bari ee magaalada caasimadda ah ee Pyongyang.