Madaxweyne ku yaboohay kala bar mushahaarkiisa

Cyril Ramaphosa Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cyril Ramaphosa

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaaciyey inuu ku tabaruci doona kala bar mushaarkiisa oo gaaraya 290,000, isagoo ku sharfaya Nelson Mandela oo ah hoggaamiyihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaas ka arrimiya.

Madaxweyne Ramaphosa oo xukunka dalkaasi kala wareegay Jacob Zuma bishii Disembar ayaa arrintaas ku shaaciyey baarlamaanka hortiisa.

Wuxuu sheegay in lacagtan deeqda ah ay ka mid tahay qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu maareeyo ururka samafalka ee loogu magacdaray Nelson Mandela.

Wuxuu rajeynayaa inay dad badan raacidoonan tallaabadan oo ay billaabi doonan inay u gargaaran dadka, iyagoo aan ku deeqaynin lacag kali ah.

"Waa inaan aqoonsannaa dhibaatooyinkii uu noo soomaray iyo dadaaladii uu ku doonayey inuu wax ooga badello nolosheenna, waxaa jira waxyaalo badan oo aan sameyn karno "ayuu u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ee News24.

"Waxaan raadinaynaa dad xirfado leh oo wakhti iyo dadaal geliya ururkan, iyagoo fulinaya mashaariic badan oo ay bulshada ka faa'iidaysato.

Taasi ayaa noo suura gelinaysa inaan dalkeenna u abuurno fursado badan"

Bixinta lacagtan ayaa lagu beegi doonaa 100 guurada dhalashada Mandela.

Mowduucyada la xiriira