Beeroleyda Godey oo beerashada basasha ka bartay dadka Baay iyo Bakool
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beeroleyda Godey oo beerashada basasha ka bartay dadka Baay iyo Bakool

Basasha oo ah dalag haatan aad loog beero dhul beereedka ku yaal nawaaxiga magaalada Godey ee Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa halkaa ka bilaabay dad ka tagay gobollada Baay iyo Bakool ee Soomaaliya.

Beeralayda reer Goday hore uma ay beeran jirin Basasha, waxayse haatan ka barteen bulshadaa u tagtay. Dalagaas ayaa suuq fiican leh dhaqaale fiican ka soo galaa beeralayda.

Hadaba falashada Basasha iyo faa'idada ay sheegeen in ay ku qabaan beeralaydu waxa ka warbixintan nooga diyaariyey weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.