Ninkii badbaadiyay ilmo dabaqa afraad ka laadlaada oo dhalasho la siiyay

Mamadu Lahaanshaha sawirka FACEBOOK

Soogalooti reer Mali ah ayaa halyay lagu tilmaamay dhalashada Faransiiskana la siiyay ka dib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaada dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.

Muuqaal laga duubay sida cajiibka ah ee Mamoudou Gassama uu u badbaadiyay ilmaha ayaa baraha bulshada qabsaday oo dadku aad isula wadaageen.

Wax ka yar hal daqiiqo ayuu balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku qaabilay Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace wuxuuna u hibeeyay shahaado iyo dhalashada dalka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gassama ayaa la kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Isniintan
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bannaanka madaxtooyada ayuu ku soo bandhigay shahaadada la gudoonsiiyay

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ammaantay halyaynimada uu sameeyay wiilka 22 jirka ah waxayna sheegtay in ay wacday si ay ugu mahadceliso.

Muuqaalkan oo Facebook la soo galiyay ayaa laga duubay dhacdadan sida cajiibka ah u dhacay

Hidalgo ayaa Twitterka ku soo qortay "Waxaan u hambalyaynayaa Mamoudou Gassama geesinada uusameeyay ee uu ku badbaadiyay nolosha ilmaha yar"

"Wuxuu ii sheegay in uu bilo ka hor ka yimid Mali uuna ku riyoonayo in uu nolol ka samaysto halkan"

"Waxaan ugu jawaabay geesinimada aad muujisay ayaa tusaale u ah reer Paris oo dhan, wayna caddahay in magaalada Paris ay kugu taageeri doonto dadaalka aad Faransiiska ku dagayso".

Arrintan ayaa Sabtidii ka dhacday waddo ku taalla waqooyiga magaalada.

Hooyada ilmahan yar ayaa la sheegay in ay ka maqnayd magaalada Paris, booliiska ayaana su'aalo waydiinaya aabaha oo loo malaynayo in uu dayacaad sameeyay.

Gassama ayaa saxafiyiinta u sheegay in isaga oo iska socda uu ku soo baxay dad hor tuban dhisme.

Mowduucyada la xiriira