Liibiya: Qarax lagu bartilmaameedsaday goob dadka ay isugu yimaadaan afurka kadib

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimatay in ka badan 20 kalana waa ay dhaawacmeen kaddib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu xalay ku qarxay magaalada Benghazi ee bariga dalka Liibiya.

Bamka ayaa ku qarxay meel u dhaw hoteelka ugu weyn magaaladaasi. Ilaa iyo haatan ma ay jirto cid sheegatay inay weerrarkaasi qaadday.

Bartilmaameedka qaraxaan ugu dambeeyay ayaa ah mid aan caadi ka ahayn caasimadda labaad ee Benghazi, waxa uu ahaa mid laga soo sheeqeyay oo loogu tala galay in lagu laayo, laguna dhaawaco shacabka reer Benghazi.

Qaraxaan gaariga loo adeegsaday ayaa dhacay xilligii dambe ee xalay, kaasi oo ka dhacay waddo aad u mashquul badan, halkaasi oo dad badan isugu yimaadaan marka la afuro kadib.

Sideed gaari oo hortaalay dukaamo halkaasi ku yaalay ayaa gabi ahaanba waxaab burburiyay qaraxaasi.

Benghazi ayaa 3 sano ahayd goob ay ku dagaalamayeen ciidamada daacadda u ah general Khalifa Hefter iyo xoogagga Islaamiyiinta ahi, ilaa ciidamadiisa ay ku dhawaaqeen in ay guuleysteen sanadkii hore.

Markii hore, inta badan qaraxyada ka dhaca dalkaasi Libiya ayaa waxaa lagu bartilmaameedsan jiray ciidamada joogo baraha koontoroollada, balse haatan wax ay u muuqadda in gabi ahaanba la badalayxeeladahaasi.

Sanadkaan oo kaliya waxaa dhacay laba qarax oo geystay dhimasho badan, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday Misaajidda ku yaalla magaalada Benghazi.

Bilowgii bishaan aanu ku jirno kooxda isku magcawday dowladda islaamka ayaa waxa ay weerar ku qaadday xarunta guddiga doorashada oo ku taallo magaalada Tripoli

Qaraxaan ugu dambeeyay ayaa ku soo beegmaya iyadoo cabsi ay ka jirto gobolka bariga Liibiya.

Bilowgii bishaan Khalifa Hefter ayaa bilaabay olole lagu qabanayo magaalada Derna ee bariga Liibiya, taas oo ku dhowaad 300 oo kiiloomitir u jirta Benghazi.

Magaalada Derna ayaa waxaa maamulo xoogagga Islaamiyiinta.

Mowduucyada la xiriira