Cayaartooy tuuladii uu kasoo jeeday ugu deeqay funaanado

Sadio Mane Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sadio Mane

Sadio Mane ayaa 300 oo funaanadood u diray deeganka uu kasoo jeedo ee ku yaalla dalka Senegal si dadka deegaanka ay u xirtaan maalinka ay dhacayso cayaarta kama dambaysta ee horyaallada Yurub.

Cayaartooygan 26 sano jirka ah oo kusoo koray magaalada Bambali ee ku taalla galbeedka Afrika ayaa ugu deeqaya funaanadahani ka hor inta ayasan cayaarta kooxdiisa Liverpool ay sabtida isaga hor imaanin kooxda Real Madrid.

Mane wuxuu yiri " 2000 oo qof ayaa ku nool tuulada aan kasoo jeeda, waxaan u diray 300 oo funaanadaha ay ku cayaraan kooxda Liverpool si ay ugu labistaan maalinka cayaarta kama damabysta ay dhacayso,si tageero ay iigu muujinayaan kooxda aan ka tirsanahay ee Liverpool "

Wuxuu intaasi ku daray Sado in hooyadiis iyo qaraabadiisa ay cayartaasi halkaasi ka daawan doonaan islamarkaasana dadka deegaankiisa aysan maalinkaasi shaqada aadi doonin.

Cayaaraha saaxiibtinimo ee Qarammada

Cayaaraha horyaallada Yurub oo kooxo badan ay soo baxeen

wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu guul kasoo hoyiyo cayaartaasi.

Tuuladan waxaa ku nool qoyska Sado Mane halkaaso uu sanadkii 2005-tii isagoo jiro da'da 13 sano jir uu ka daawanayay cayaar dhexmaraysay kooxda Liverpool iyo Ac Milan.

Mowduucyada la xiriira