Waligaa ma maqashay suuq u gooni ah collobta ama oodkaca?

Waligaa ma maqashay suuq u gooni ah collobta ama oodkaca?

Inkasta oo ay sheegaan dhakhtarradu in cunidda hilibka badan iyo dufankuba dhibaato caafimaad keeni karo, ayaa Soomaalida oo lagu yaqaan in ay oontooda aanay ka maqnayn cad iyo caanuhu, waxa hadana jira in dadka magaalooyinka ku nool ee Soomaalida ah qaarkood si uga gaabsadeen cunidda hilibka, waxase hubaal ah in badanka Soomaalidu aanay ka go'ayn oonta xoolaha.

Hadaba magaalada Godey ee gobolka Soomaalida Ethiopia waxa ku yaalla suuq u gaar ah oo lagu iibiyo collobta, muqmadda ama oodkacca waa qofba sida uu uyaqaanee.

Hilibka laga sameeyaa waa ka geela aadna way u jecelyihiin dadka Soomaalida ahi hilibka noocan ah.

Waxa intaa dheer subagga xoolaha oo codcod, heen iyo kurus la shiilay ba iskugu jira oo lagu iidaamo muqmadda oo suuqaa isna lagu iibiyo.

Weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo dhawaan socdaal shaqo halkaa ku tagay aya warbixintan inooga soo diray.