Trump oo hadana sheegay in ay suurto gal tahay inuu la kulmo Kim Jong-un

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Trump iyo Kim
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in kulankii uu baajiyey ee uu la yeelan lahaa hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi qabsoomi karko 12-ka Juun.
Warfidieyeenka isaga oo la hadlayey ayaa waxa uu yidhi "waynu arki doonaa waxa dhaca. Wuu dhici karaa kulankaasi 12-ka Juun. Waanu la xidhiidhaynaa imika oo iyaguna kulankaa aad bay u doonayaan sida aan anaguba u doonayno inuu qabsoomo".
Khamiisktii ayaa kku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi "cadaawad cad2 oo u u qabo dalkiisa, taasna uu sabab uga dhigay baajinta kulankii uu la yeelan lahaa Kim Jong-un.
Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, ayaa isna markii dambe sheegay in uu danaynayo in uu wada xaajood la yeesho Trump "goorta ay doonto iyo sida uu doonoba ha noqdee".
Wasiir ku xigeenka Kuuriyada Woqooyi, Kim Kye-gwan, ayaa sheegay in go'aanka Trump ku baajiyey kulanki qorshaysnaa uu yahay arrin "aad looga murugoodo".
Shir madaxeedka oo la filayey inuu ka dhaco dalka Singapore ayaa noqon lahaa kulankii ugu horeeyey ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka hayaa fool ka fool u hor fadhiisto hogaamiyahe Kuuriyada Woqooyi leedahay.
Go'aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay goobtii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin dhabbaha u xaadhaysay shir madaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.
Warqaddii Trump u diray Kim Jong-Un
Mudane gudoomiye:
Waxaan si xishmad leh kaaga mahadcelinaynaa waqtigaaga, dulqaadkaaga iyo dadaalkaaga ku aaddan wadahalladii dhawaantaan la xiriiray shirka waqtiga dheer ay laba dhinac wada sugayeen, kaas oo la qorsheeyay in uu ka dhaco dalka Singapore 12 June. Waxaa naloo sheegay in kulanka ay codsatay Kuuriyada Waqooyi, balse arrintaasi hadda muhiim ma ahan. Waxa aan aad u rabay in aan kula kulmay. Nasiibdarrase, carada badan iyo gooddiga ka muuqday bayaankii aad dhawaantan soo saartay, waxa aan dareemay in kulankaas muddada dheer la qorsheynayay uu yahay mid aan xilligaan ku haboonayn. Sidaas darteed warqaddan waxa ay cadayn u tahay in shirkaasi uusan ka dhici doonin Singapore, taas oo ah mid labada dhinacba u wanaagsan, walow dunidu ay dhibsan doonto. Waxaad ka hadashay awoodda nukliyeerkaaga, balse keenna ayaa aad uga ballaaran ugana awood badan, marka waxaan Ilaahay aan ka baryayaa inaanay waligood la isticmaalin.
Waxaan moodayay inaan labadeenna yeelan doono kulan cajiib ah, muhiimaduna waxa ay aheyd wadahadalkaas uun. Waxa aan rajeynayaa in maalin un aan ku kulmi doono, hasayeeshee waxaan kaaga mahad celinayaa inaad sii daysay lahaystayaashii kuwaas oo si nabad ah qoysaskooda ula joogo. Taasi waxa ay ahayd tallaabo aad u wanaagsan, aad ayaanan kaaga mahadcelinayaa.
Haddii uu isbadel ku yimaado fikirkaaga ku aaddan kulankan muhiimka ah, fadlan haka laba-labayn in aad ila soo hadasho ama aad warqad ii soo qorto. Dunida, khaasatan Kuuriyada Waqooyi, waxa ay wadajir u lumiyeen fursad aad qaali u ah, taasi oo horseedi laheyd nabad iyo barwaaqo waarta. Fursadaan luntay waa mid meel xun ka galaysa taariikhda.