Afewerki oo fagaaro kasoo muuqday muddo kadib

Isias Afewerke madaxweynaha Eritrea

Xigashada Sawirka, Screengrab

Qoraalka sawirka,

Isias Afewerke madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa markii ugu horeysay muddo sanado kadib ah kasoo muuqday meel fagaaro ah xilli aad loo hadal hayay in uu xanuunsanyahay, islamarkaasna daweyn u aaday dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.

Waxase uu si lama filaan ah uga soo muuqday munaasabadda dabaaldega 27 sano guuradii kasoo wareegtay xornimadii dalkaas, taas oo lagu qabtay magaalada Asmara.

Hoggaamiyahan go'doonka ah ayaa xukumayay dalkaas muddo 27 sano ah tan iyo intii uu xornimada ka qaatay dalka Itoobiya.

Khudbadii uu ka jeediyay munaasabadda ayaa ahayd sidii caadada u ahayd, wuxuuna ku weeraray dhaqaalaha reer galbeedka iyo shirqoolada loo maleegayo dalkiisa.

Waxa kale oo uu qirey in ay jirto xiisad gobolka ka jirta, isaga oo u muuqday in uu qirayo in xasarad kala dhaxayso dalka Suudaan.

Eritrea ayay sidoo kale aad isugu xunyihiin labada dal ee kale ee dariska la ah ee Itoobiya iyo Jabuuti oo ay dagaalo wada galeen.

Waxaa Isaias lagu eedeeyay xad gudubyo xuquuqda aadanaha ah, balse waa uu beeniyay.

Sanadkii 2012-kii ayaa la sheegay in uu dhintay, balse wuxuu kasoo muuqday talefishinka, si uu u caddeeyo in uu noolyahay.