Booliiska Malaysia oo guriga Ra’isulwasaarihii hore ka heley boorsooyin lacag ah

Ra'isulwasaarihii hore ee Malaysia Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'isulwasaarihii hore ee Malaysia

Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in guri uu leeyahay Ra'isulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq in ay ka heleen boorsooyin ay ka buuxdo lacag dhan $28 malyan oo doolar.

Booliiska ayaa u dhacay guryo uu leeyahay ra'isulwasaarihii doorashada looga guuleystay, waxayna tani qayb ka ahayd baaritaan lagu hayo mas'uulkaas hore oo la xiriira arrimo musuqmaasuq.

Waxaa loo heystaa in uu dhacay hanti dhan $700 milyan doolar, balse horey ayay dowladda u sheegtay in wax lagu waayay, waxayse ahayd markii uu isaga xilka hayay.

Xisbiga uu ka tirsanyahay ee Umno ayaa sheegay in lacagta la heley ay ahayd mid loo uruuriyay ololihii doorashada, kana soo hartay markii Najiib uu ku guuldaraystay doorashada.

Xisbiga ayaa sheegay in uu isku dayi doono in uu booliiska kasoo ceshto lacagta.

Markii Ra'isulwasaaraha dalkaas loo doortay Mahathir Maxamed, ayaa dib loo furey dacwadihii loo haystay Najiib.

Najiib ayaa ka cawday in ciidankii galay gurigiisa ay ka cuneen shukulaato iyo cuntooyin kale, taasna waxa ay keentay in dadka isticmaala baraha bulshada ay ku yaboohaan raashiin la geynayo saldhigyada booliiska Malaysia.