Bas ku gadoomay Uganda oo ay ku dhinteen in ka badan 22 qof

Ugu yaraan 22 qof, oo ay ku jiraan 3 caruur ah, ayaa ku dhimatay gaari bas ah oo ku gadoomay waqooyiga dalka Uganda, booliska ayaa sidaasi sheegay.
Afhayeenka booliska dalka Uganda Emilian Kayima ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in baska uu ku dhacay cagaf-cagaf oo uu nalka u dansanaa, kadibna waxa uu ku sii dhacay gaari xamuul ah.
Shilkaan ayaa xalay ka dhacay Kiryandongo, oo ilaa 220km u jirta magaalada Kampala.
"Kooxaha gargaarka ayaa iyagoo daal ka muuqdo ku halwlan daad guraynta dhaawacyada," ayay tiri Ms Kayima.
Qaar ka mid ah warbaahinada maxalliga ah ayaa sheegaya in tirade dhimashada ay haatan kor dhaaftay ilaa 30 qof.
Uganda ayaa ka mid ah wadamada ugu daran ee bad qabka wadooyinkooda aad u liita.
In ka badan 9,500 oo qof ayaa gudaha dalka Uganda ku dhimatay shil baabuur intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017, sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha sare-sare ee dalka.