Muhaajiriin ka yimi bariga Afrika oo lagu toogtay dalka Liibiya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhaqaatiirta dalka liibiya ayaa daweeynay amuhaajiriin ka yimid bariga Afrika kuwaasi oo la toogtay iyagoo baxsanaya kuwawax tahriibiya ee gacanta ku haayey todobaadkan horaantiisa.

Hay'adah gargaarka iyo ilo wareedyo gudah ah ayaa sheegay in tira ka badan 100 muhaajiriin ah oo qar badan oo ka mid ah ay yihiin da'ayar rajeeynayey in magangelyo ka helaan qaaradda Yurub ayaa iksu dayaye in ay ka baxsadaan kuwa dadka Tahriibiyo magaalad Bani Walid.

Kuwii ka badbaaday ayaa u sheegay kooxda gargaarka ee MSF in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen.

Waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah la haystay ilaa iyo muddo sedex sano ah.

MSF waxaa ay sheegeen in intooda badani ay ka muqatay calaamdo jirkoda ah kuwaasi oo argagax ku abuuray.