Mudahaaraadayaasha dalka Nikaragua oo ku baaqay inuu xilka ka dego Ortega

Mudaharaadyadaoo dib u billaawday marka ay wadahadalladu dhicisoobeen Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mudaharaadyadaoo dib u billaawday marka ay wadahadalladu dhicisoobeen

Kumannaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimada Nicaragua ee Managua iyo magaalooyin kale iyaga oo dalbanayo iney iscasilaan madaxweyne Daniel Ortega, Xaaskiisa iyo Madaxweyne ku xigeenka Roasrio Murillo.

Mudaharaadayaashu ayaa waxay xidheen waddooyinka waaweyn ee caasimadda , iyaga oo ruuxaya boodhadh, halku ku dhigyana ku dhawaaqay.

Mudahaardyada dowladda looga soo horjeeda oo laba toddobaad socda iska horimaadyada dhex maray mudaharaadayaasha iyo xoogagga amniga waxaa ku dhintay 76 qof.

Mudaharaadyada ayaa dib u billaawday kaddib marki uu fashilmay maalinti arbacada dhexdhexaadinti ay wadday kaniisadaha Catholic.

Sida ay Booliska iyo dad goob joogayaal ah ay sheegeen sabtida oo keli ah mudaharaadki dhacay waxaa ku dhintay 4 qof.

Hoggaamiyaha mucaaradka Francisca Ramirez oo ka qayb galay mudahaard ka socda magaalada waqooyiga-galbeed ee Leon ayaa wuxuu sheegay "iney dowladdu doonayso iney xabbad nooga kaxeeyso aanna furno waddooyinka xiran." balse uma suura galeyso awood kasta oo ay adeegsadaan ilaa ay codsiga shacabka ka jawaabaan.

Dibad baxa wuxuu qarxay bishi hore marki uu madaxweyne Ortega uu ansixiyey in la jaro lacagaha howlgabka iyo dammaanadda bulshada.

Marki hore dibad baxa oo ku billaawday qorshahaasi mid lagaga soo horjeedo haddana wuxuu iisu beddelay mid gebi ahaanba maamulkiisa laga soo horjeesto.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption "Ortega xabsiga ha loo taxaabo" waa halku dhigga ay dibad baxayaasha ku dhawaaqayaan

Mr Ortega ayaa wuxuu sheegay dambiilayaasha, kooxaha budhcadka iyo dadka noolasha ka dhacay iney dibadbaxaasi soo abaabuleen, balse waxaa hadalka ortega gaashaanka ku dhuftay hoggaamiyaha mucaaradka isaga oo sheegay hadalkaasi inuu ka mid yahay cadaadiska uu umadda ku hayo madaxweynaha.

Madaxweyne Ortega wuxuu ka mid ahaa kooxda hubeysneyd ee gacanta bidix Sandista oo ka soo horjeedday keligi taliyihi Anastasio Somoza sanaddi 1970-yadi.

Hase yeeshee, dhaleeceynta iyo canbaareynta ay la kulmeen Madaxweynaha iyo xaaskjiisa ayaa waxay keeneen iney u dhaqmaan sida keligii taliye.

wadahadallo looga gol leeyahay xaaladda murugsan ee dalka ka taagneyd tani iyo horraanti bishan ma noqon mid lagu guuleysto oo dhibaatooyinka lagu soo afjaro.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mudaharaadayaasha oo beegsaday calaamadda geedka ee astaanta u ah Ortega

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan