Wiil 15 jir ah oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Sheffield

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Waa goobta uu weerarku ka dhacay

Wiilka 15 jirka ah ee dacwadda lagu soo oogay waxaa kale oo lagu soo oogay inuu wiil kale oo ay isku da' yihiin uu ku dilay Sheffield

Wiilka dhintay ee 15 jirka ah waxaa lagu dilay waddada Lowedges, ee degmada Lowedges saacaddu markay ahayd abbaaraha 19:50 khamiisti. Saacad kaddibna wuxuu ku dhintayIsbitaalka.

Booliska South Yorkshire ayaa wuxuu sheegay ninka dhalinyara ah ayaa lagu soo oogay inuu dil uu ka geystay Lowedges, waxaana maxkamadda la soo taagi doonaa Isniinta barri ah.

Baaritaanno lagu sameeyey meydka wiilka dhintay ayaa lagu ogaaday inuu xabd uu dhaawacyo ku lahaa dhaawacaasi oo ku yimid toorri lagu dhuftay.

Dhacdadani waa tii labaad oo muddo toddobaad gudahii ah ka dhaca oo middi loo adeegsado. Ciidamada booliskana waxay sheegeen iney heegan ku jiraan si ay uga hortagaan weera toorri oo dambe si uu u dhicin.

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

BBC-du mas'uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda