Laba qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay koonfurta Qaza

Khariiradda Qaza
Qoraalka sawirka,

Khariiradda Qaza

Saraakiil ka tirsan maamulka Qaza ayaa sheegay iney laba qof oo Falastiiniiyiin ah ay ku dhinteen rasaas ay ku soo rideen taangiyada Israa'iil goob ay deggan yihiin dableey Falstiiniyiin ah.

Dilkaasi ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw magaalada Rafah.

Ciidamada Israa'iil ayaa waxay sheegeen iney taangiyada Israa'iil rasaas fureen kaddib marki uu qarax ka dhacay meel ku dhaw darbiga xuduudda qaza.

Qoraalka sawirka,

Duqeynta Israa'iil

Xiisadda u dhaxeysa Israa'iil iyo Qaza ayaa cirka isku sii shareereysay tani iyo bisha March iyada oo in ka badan boqol Falastiiniyiin ah oo mudaharaadayey lagu dilay.

Qoraalka sawirka,

Mudaharaadyada Qaza

Mudaharaadayaasha oo codsanayey iney xaq u leeyihiin iney dib ugu laabtaan dhulka awoowyadood oo ah dhulka ay Israa'iil ka qabsatay 1948.