Shacabka Kolombiya oo doorasha u dareeray 50 sana oo dagaal sokeeya kaddib

Codbixinta doorashada Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Codbixinta doorashada

Shacabka kolombiya oo u dareeray doorasha dalkaa ka qabsoonto mudda 50 sana oo uu dalku ka socday dagaal sokeeya kaddib.

Dhibaatooyinka ka taagan Kolombiya sidi ay u soo afjarmi lahayd ayaa ahmiyadda lagu siiyey doorashada.

Musharrixiinta ayaa waxay u ololeeynayaan la dagaallanka sinnaan la'aanta iyo musuqmaasuqa dalka ku baahay, arrintaasi oo safka hore inuu loollanka ka galo u sahashay musharraxa siyaasaddiisu dhanka midigta tahay ee Gustavo Petro.

Gaar ahaanna waxaa qodobbada uu ku ololeynayo Petro waxaa si weyn u soo dhaweeyey jiilka cusub ee dhalinyarada u badanee la jah wareersan siyaasadda dalkooda ee habka dhaqamiga ee dib u dhaca ku saleysan mudda ku soo socotay.

Image caption Cod bixinta

Siyaasiga kale ee loollanka doorashada safka hore kaga jira Ivan Duque ayaa sheegay cid kasta oo ku guuleysata doorashada iney ku qasbanaaneyso iney qaaddo tillaabbo ay wax kaga beddeleyso xaaladda dalka si dalku ay mustaqbal wanaagsan ugu sameeyaan.

Waxyaabaha ka soo ifbaxaya codbixinta doorashada waxaa la saadaaliyey iney wareegga koobaad isugu soo hari doonaan Duqeo iyo Petro iyaga oo la filayo iney helaan codad isku dhow.

Doorashada kama dambeysta ah ee musharraxa guuleysta lagu ogaanayana waxay dhaceysaa bisha June ee soo socota.

Shilkii diyaaradda ee kooxda Brazil oo loo badinayo in ay shidaal la'aan keentay

Kumannaan qof oo isugu tagay garoonka Chapecoense

Dalka Kolombiya mudda nus qarni ah waxaa ka socday dagaalla sokeeya oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof, tani iyo marki xabbad joojinta la gaadhay waa doorashadi ugu horreysay oo dalka kolombiya ka qabsoonto.

Mowduucyada la xiriira