Nuuradiin Yuusuf Xaaji: Waan la dagaalamaynaa musuqa Kenya

. Lahaanshaha sawirka Reuters

Agaasimaha Guud ee hay'adda dacwad oogayaasha Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa maanta ka hadlay saraakiil sarsare oo lasoo taagay maxkamad ku taala Kenya kadib markii la lunsaday lacag dhan $78 malyan oo doolar.

Waxa uu hadlayay xilli maanta maxkamad lasoo taagay agaasimaha guud ee laanta horumarinta dhalinyarada ee NYS, halka dacwad lagu soo oogay 40 qof oo kale o loo heysto fadeexadda lacagta lagu lunsaday.

Waxaa la sheegay in lacaga lagu xaday qaab wax is dabomarin ah, iyada oo adeegyadii loogu talogalay aanan la fulinin.

Waxaa ka mid ah lacag dhan 10 milyan oo shillinka Kenya ah oo la sheegay in lagu soo iibiyay hilib lo', taas oo ka dhigan in qof kasta oo ka mid ah dhallinyarada la tabobaro maalinkii la siin karay 66 kiilo oo hilib ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
KENYA: DHIMASHADA DAYACA WADOOYINKA KEENYA

Nuuradiin ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan kaalin la sheegay in ay bangiyada ku lahaayeen fududeynta musuqa dhacay.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada Lilian Omollo.

Waxaa Kenya ka jira fadeexado kale oo lagu xaday lacago badan, gaar ahaan wakaaladda haruurka ee NCPB, lacagtaas oo gaaraysa $30 milyan oo doolar.

Mowduucyada la xiriira