Bas gawari dulmaray oo dhaawacay 17 qof

Bas dulmarya 25 gaari ku dulmaraya mgalada Datford Lahaanshaha sawirka Tony Brown
Image caption Bas dulmarya 25 gaari ku dulmaraya mgalada Datford

Baska ayaa wuxuu dul maray tobannaan baabuur ah goob ay baabuurta ku badnaayeen oo ku taalla suuqa magaalada Dartford, oo khasaaro badanna geystay.

17 qof ayuu shilkaasi dhaawac ka soo gaaray, iyada oo dhaawacyada soo gaadhay ay badankood yihiin kuwa fudud, waxaana halkaasi uu basku ku jiiray 25 gaari oo waddada mareysay.

Darawalki gaariga ayay boolisku gacanta ku hayaan oo ay su'aala weydiinayaan iyaga oo ku eedeeyey qeyrumasuulnimo.

Lahaanshaha sawirka Tony Brown
Image caption Booliska oo mudda xiray waddada shilka uu ka dhacay ayaa dib u fury

Booliska, dabdamiska iyo gawaarida gurmadka ayaa goobtaa shilka uu ka dhacay isugu yimid iyaga oo daweeyey dadki lugeynayey oo dhaawaca fudud uu soo gaaray.

Hal qof oo ddkaasi ka mid ah ayaa u baahday naqas oo shilka ku waxyeelloobay qof kale oo dhaawaciisa xoogaha adkaana dhakhtarka ayaa loo qaaday iyada oo la filayo iney waxweyn soo gaarin balse uu gargaar u baahday.

Nin 38 jir ah, oo lagu mgacaabo Tony Brown oo Datford ka soo jeeda wuxuu sheegay isaga oo gurigiisa raashiin u doonanayo inuu uu la kulmay shilkaasi lama filaanka ah.

Wuxuuna yiri "basku wuxuu dulmaray gawaari fara badan oo waddada mareysay iyada oo samiifalaha uu celiyey waddadana ay ahayd mid cidhiidhi ah oo ka mid ah waddada Hythe."

"shilka hadduu sababay gaariga oo fariinka goostay ama waddada oo ay gawaariada buux dhaafiyeenba wuxuu darawalka isku dayay ugu yaran inuu shan saf oo gawaari ah uu soo dulmaro si uu u istaago."

"waxa meesha ka dhacayba ma jirto cid dhaawac culus uu shilkaasi ka soo gaaray , dad badan ayaa shilka argagax ka qaaday gawaari badanna jug ayaa soo gaartay."

Lahaanshaha sawirka Tony Brown
Image caption Gurmadka degdegga ah ayaa la isugu yeedhay dad badan oo lugeynaya marka ay waxyeello soo gaartay

Booliska oo marki hore sheegay iney waddadu xiran tahay ayaa haddana markiba dib u furay waddadaasi.

Madaxa shirkadda baska iska leh, Oliver Monahan ayaa wuxuu sheegay "iney shirkaddu xagiijisay saqdi dhexe ee xalay inuu bas ay shirkaddooda leedahay uu waddada Hyth uu ku jiiray gawaari badan"

"Waxaanna warbixinta ku haynaa ayuu yiri dhawaacyo dhowr ah iney jiraan balse wakhti xaadirkan anagu ka shirkad ahaan waxaan xoogga saareynaa inaan gacan ka geysanno howlaha gurmadka. areenkannagana wuxuu la jiraa dadka uu shilkaasi waxyeellada ka soo gaaray."

Image caption Nooca baska shilka geystay

Mowduucyada la xiriira