Ma dhab baa in Kenyatta uu ku jeesjeesay ku xigeenkiisa?

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa oo shalay daahfurayay mashruuca dhisitaanka waddooyin ku yaalla Nairobi Lahaanshaha sawirka UHURU KENYATTA/FACEBOOK
Image caption Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa oo shalay daahfurayay mashruuca dhisitaanka waddooyin ku yaalla Nairobi

Waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaal uu madxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta si jees jees ah uga hadlay ku xigeenkiisa, William Ruto.

" Ninkan la yiraahdo Ruto dabayaaqada toddobaad kasta wuxuu wareegaya meel kasta oo dalka ka tirsan, marka dhibaatadiina u sheega marka aad isaga aragtaan" ayuu Kenyatta ku yiri dad uu kula hadlayay xaafad ku taalla Nairobi.

Dadweynaha Kenya siyaaba kala duwan uga hadlay hadalka madaxweynaha iyadoo dadka qaar ay u fasirteen in madaxweynaha uusan ku faraxsanay in ku xigeenkiisa uu ku jira wax uu muuqda olole doorashada xigta oo dhowr sano ka dib dhici doonto.

Dadkii isku soo baxay ayuu weydiiyay, ''Meeqa qof ayaa qabtaa in aan joojina siyaasadda oo aan u kacno shaqada"

Aqalka madaxtooyada Kenya ayaa diiday in hadalka uu ahaa mid lagu weerarayay madaxweyne ku-xigeenka.

Xiriirka labada hoggaamiye

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa ayaa ah saaxibo dhaw tan iyo markii ay ku heshiiyeen inay smeystaan isbaheysiga awooda dalka hayay tan iyi 2013-kii.

Madaxweyne Kenyatta oo labadii doorasho ee la soo dhaafay ku guuleystay ayaa horay ballan ku galay inuu taageri doono ololaha doorashada Ruto ee sanadda 2022-ka.

Hogaamiyaha mucaaradka kenya oo qaadacay doorashadii ku celiska ee uu kula tartami lahaa Kenyatta sanadkii hore ayaa loo badinayaa inuu u tartami doono doorashada 2022-ka.

Si lama filaan ah ayay Kenyatta iyo Odinga u yeesheen kulan iyo isgacan qaad lagu soo afjajaray qalalaasaha siyaasadeed ee hareeyay dalka waxayna ku dhawaaqeen barnaamij qaran oo dib u heshiisiin ah.

Kenya oo tarxiishay afhayeenka Riek Machar

Sawirro: Dadka Kenya oo cuntada la wadaagaya xoolaha

Mowduucyada la xiriira