Taalibaan oo wadahadallo qrasoodi ah la qaadatay Afqanistaan

Ciidamada Afqanistaan ayaa la kulmay weeraro khaasare badan dhaliyay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Afqanistaan ayaa la kulmay weeraro khaasare badan dhaliyay

Ururka Taalibaan ayaa wadahadallo qarsoodi ah la qaadatay saraakil ka tirsan dowlada Afqanistaan si ay uga wadahadlaan xabad joojin inay ka hergasho dalkaasi, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afqanistaan Jeneraal John Nicholson ayaa sheegay in wadahadallada ay ku lug lahaayeen dowlado shisheeye iyo ha'ayado caalami ah.

Madaxweynaha Afqanistaan Ashraf Qaani ayaa soo jeediyay bishii Ferbaayo wadahadallada balse codsigaasi wax jawaab kama aysan bixinin Taalibaan xilliggaasi.

Horraan Ururka Taalibaan waxay inta badan diidi jireen inay wadahadallada iyagoona ku adkaystay inaysan heshiis la galaynin Mareykanka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dalka Afqanistaan waxaa ka jiray dagaallo daba dheeraday oo khaasare badan u horseeday labada dhinac.

Arbacadii ayay ahayd markii maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen wasaaradda arrimaha gudaha ee ku taalla magaalada Kabul.

Waxay u muuqata in kooxda ay soo bandhigayaan awooddooda ah inay weerarro badan ka gaysan karaan caasimadda.

Taalibaan waxay sheegeen in weerar kale ay ka gaysteen xarun boolis oo ku taalla gobolka Logar ee dalkaasi.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Ashraf Qaani wuxuu doonaya in la gaaro heshiis xabad joojin ah

Mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen gobolka Helmand oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof oo shacab ah.

Jeneraal Nicholson ma uusan magacaabin mas'uuliyiinta labada dhinac uga qayb galaysay wadahadallada balse wuxuu soo hadal qaaday oo kaliya ah in saraakiil sare iyo kuwo dhexe ay ururka Taalibaan u matalayeen wadahadallada.

Madaxweyne Ashraf Qaani oo bishii Ferbaayo ka codsaday Taalibaan wadahadallada ayaa sheegay in ururka loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeed waa haddii ay aqbalaan xabad joojinta ayna aqoonsadaan dastuurka dalkaasi.

Wadahadallo tijaabo ah oo u dhexeeyay dowladda Afqanistaan iyo Taalibaan ayaa sanadkii 2015-kii burburay kaddib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii Taalibaan kaddibna Mullah Cumar ayaa xilka loo magacaabay.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Shaqaalahan waxay nadiifinayaan haraadiga goob qarax uu ka dhacay caasimadda Kabul

Ururka Taalibaan ayaa gacanta ku haya deeganno badan oo Afqanistaan ka tirsan ilaa markii ciidammada shisheeye ay ka baxeen dalkaasi sanadkii 2014-kii, sida ay muujinayaan darasaad ay soo daabacday BBC bishii January.

Dad lagu qiyaasay 15 milyan ayaa ku hoos ku nool deegannada ay maamulaaan ama goobaha ay joogaan Taalibaan oo ay inta badan weerarada ka gaystaan.