Dalal loo haysta in sirddoonka Mareykanka ay siiyeen xabsiyo lagu jirddilay maxaabis

Waa qof lagu xiray xabsiga Guantanamo Bay 26-dii bishii Agosto 2004-tii

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Waa qof lagu xiray xabsiga Guantanamo Bay 26-dii bishii Agosto 2004-tii

Garsoorayaasha maxkamadda Yurub ayaa go'aamiyay in dalalka Lithuania iyo Romania inay ku xadgudbeen xuquuqda labo qof oo lagu tuhunsanaa inay ka tirsanaayeen ururka Al Qaacida ayna u ogolaadeen laanta sirddoonka CIA inay jirddilaan maxaabista.

Mareykanka ayaa qabtay Abu Zubaydah iyo Cabdul raxiim kaddib weeraradii bishii September ee 2001-dii Mareykanka lagu qaaday , hadda labadani nin waxay ku jiraan xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka cuba.

Waxaa la sheegay in CIA-da ay ka howlgalayeen xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla dalalka Lithuania iyo Romania si ay su'aalo u weddiyaan maxaabistani.

Maxkamadda Yurub waxay sheegtay in labadani dal ay ku xadgudbeen sharciga reer Yurub ee xanibayo jirddilka iyo ilaalinta xuquuqul insaanka.

Lithuania iyo Romania ayaa lagu amray inay ganaax ahaan u siiyaan 117,000 oo doolar Abu Zuybaydah iyo Cabdul raxiim Al Nashiri.

Maxkamadda ayaanan u suuro gelinin in labadani nin ay ku booqato xabsiga Guantanamo.

Markii uu dhacay weerarkii 9/11 waxaa lagu soo warramayay in sirddoonka CIA ay ka howlgalayeen xabsiyo qarsoodi ah oo su'aalo lagu weyddinaya maxaabistaasi.

Abu Zubaydah waa nin kasoo jeeda Falastiin balse wuxuu ku dhashay dalka Sacuudiga, waxaa la sheegay in Al Qaaacida uu u qaabilsanaa shaqo qoridda sagaashamaadkii, marki dambana, wuxuu noqday dadkii ugu dambeeyay ee sida wayn ugu xirnaa Usamaa bin Laden.

Cabdel Al Nashiri wuxuu ku dhashay dalka Sacuudiga, wuxuuna garwdayn ka ahaa howlgalka Al Qaacida ee waddamada Qaliijka, sida ay sheegeen sirddoonka Mareykanka,

Waxaa lagu tuhmay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugnaa dalka Yaman sanadkii 2001-dii halkaaso 17 ay ku dhinteen.

Maxkamadda Yurub ayaa sidoo kale go'aamisay in dalka Romania uu sirddoonka Mareykanka ee CIA uu u ogolaaday inay ka howlgalaan xabsi dalkaasi ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 2003-dii ilaa 2005-tii, halkaaso Cabdul Nashiri uu kula kulmay jirddil darran.

Waxyna maxkamaddu sheegtay in loola dhaqamay si banii'aadnimada ka baxsan.

Xigashada Sawirka, Icrc

Qoraalka sawirka,

Waa sawirka Abu Zubaydah

Go'aankaasi mid lamid ah ayay maxkamddu kusoo rogtay dalka Lithuania oo xabsi halkaasi ku yaalla lagu jirddilay Abu Zubaydah intii u dhexeysay sanadihii 2005-tii ilaa 2006-tii.