Jahwareer ka taagan canshuur lagu soo rogay baraha bulshada

Jahwareer ka taagan canshuur lagu soo rogay baraha bulshada

Dalka Uganda waxaa ka taagan jahawareer ku aaddan qaabka loo hirgelinayo canshuur cusub oo lagu soo rogay adeegsiga baraha bulshada kuwada xiriirto, taas oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka wadankaasi.

Hindisahan ayaa ansixiyay qorshe ay dowladda ku doonayso inay maalintiiba shan sent oo dollar-ka Mareykanka ah ay uga qaaddo dadka adeegsaiga baraha bulshada sida WhatsApp iyo Facebook-ga.

Hindisaha ayaa lagu wadaa inuu saxiixo madaxweyne Museveni, waxaana uu dhaqangeli doonnaa 1-da July ee foodda inagu soo haysa.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno sharcigan iyo qaabka ay shacabka uga falceliyeen ayaannu khadka taleefanka ee magaalada Kampala kula xiriirnay Maxamed Cali Faarax oo ah Soomaali halkaas deggan Cabdifataax Caga yare ayuu u warramay.