Cadha ka dhalatay gabdho 'qaawani' heeso ku soo bandhigay

Waa muuqaal ay cadha ka dhalatay kaddib arday gabdha ah oo naasaha iyo badhiyaha soo qaawiyey oo heeso dugsigooda ku soo bandhigay Lahaanshaha sawirka DispatchLive
Image caption Waa muuqaal ay cadha ka dhalatay kaddib arday gabdha ah oo naasaha iyo badhiyaha soo qaawiyey oo heeso dugsigooda ku soo bandhigay

Koox gabdha ah oo Koonfur Afrika u dhashay oo iyaga oo isa soo qaawiyey dugsigooda ku soo bandhigay heeso cadhada ka dhalatay ayaa waxay keentay in amar lagu siiyo wasiirka waxbarshada dalkaasi inuu arrinta baaritaan degdeg ah uu ku sameeyo.

Angie Motshekga ayaa waxay sheegtay "iney arrinta ay niyad jab ku abuurtay" kaddib marki ay aragtay muuqaalka gabdhaha Xhosa ee xiran marada yar oo aan cawrada astureyn ee loo yaqaanno "inkciyo"

Wasiirka waxbarshada assasiga ee dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu dhacdadani ku tilmaamay "sharaf dhac aad u weyn oo loo geystay qiimaha uu laha dhaankeenna."

Balse arrinta waxaa si weyn u difaacay maamulka dugsiga ee soo qaban qaabiyey bandhigga kuna sheegay iney dadka xaq u leeyihiin iney waxay rabaan doortaan- weliba uu aad ugu faanayo.

Sida ay qortay shabakadda la yirahdo 'South Africa's Daily Dispatch', macallin aan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu u sheegay "inuu ku faraxsan yahay dhaqan Xhosa ee aan leennahay. Waana ku faaneynaa dhaqankayaga ee 'inkiciyo. Waxaanna sida oo kale ku faaneynaa haweenka iyo gabdhaha Xhosa.'"

Qabiilka Xhosa waa qabiilka labaad ee tira ahaan ugu badan Koonfur Afrika.

Muuqalka cadhada ka dhalatay ee gabdhaha oo lagu soo bandhigay tartan ka dhacay Mathatha, ee Bariga Cape, waxay soo ifbaxday toddobaadkan iyada muuqaalka gabdhaha uu muujinayo iyaga oo koox ah oo masrax ku heesaya isla-markaana soo qaawiyey naasaha iyo badhiyaha.

Lahaanshaha sawirka @DBE_SA
Image caption Wasiiradda Waxbarashada Koonfur Afrika oo tartanka ku tilmaantay mid xadgudub ah.

Muuqaalkana waxaa laga soo duubay munaasabad lagu soo bandhigay dhaqanka Xhosa, sida ay qortay shabakadda South African website TimesLive.

Arrinta ayaa waxay si gaar ah u taabaneysaa wasaaradda waxbarashada qaranka ee ay mas'uulka ka tahay Ms Motshekga'.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay hadalka ka soo yeedhay wasiiradda ayaa wuxuu sheegayaa iney tidhi "Gebi ahaanna arrintan ka mid ma aha waajibaadka loo igmaday ama loo xilsaray macallinka inuu guto, iyada oo ay weliba tahay ariintu mid ay gabdhaha da'da yar ay cadadis ku saarayaan iney sameeyaan. "

"Inaad dhaqankaaga iyo caadada aad leedahay ku faanto wax dhib ah kuma jiro, balse ma jirto baahi keeneyso iney carruurtan yaryar ay qaawani dhaqan ku soo bandhigaan."

"Sharaf dhaca sideedaba wuxuu ka horimanayaa qiimaha dhaqanka uu leeyahay."

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan