Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay

Ciidamada ilaalada badda oo dekadda Oran ku qabtay markab darooga siday

Xigashada Sawirka, Algerian Defence Ministry

Qoraalka sawirka,

Ciidamada ilaalada badda oo dekadda Oran ku qabtay markab darooga siday

Hay'addaha ammaanka ee dalka Aijeeriya ayaa sheegay iney qabteen daroogada Coaine loo yaqaanno oo ka badan 700 kiilo oo saarneyd markab ayna u xirxireen 20 qof oo looga shakiyey iney daroogadaasi gudbin rabeen.

Markabka ayaa wuxuu siday hilib laga keenay dalka Brazil wuxuuna horay ugu soo xirtay dakadda Valencia ee dalka Spain.

Wuxuuna dekadda galbeedka Aljeeriya ee Oran uu ugu soo xirtay badda oo xirneed awgeed balse shakiga uu keenay marki naakhuudaha markabka uu diiday inuu 3 maalmood dakadda taagnaado.

Naakhuudaha oo damcay inuu markabka badda ku geddiyo ayaa waxaa qabtay ciidamada ilaalada badda ee Aljeeriya waxayna ku qasbeen inuu dekadda Oran uu ku soo xirto.

Xigashada Sawirka, Algerian Defence Ministry

Qoraalka sawirka,

Sawirka daroogada ay qabteen ciidamada badda Aljeeriya

Daroogada markabka ay saarneyd oo lagu qabtay wuxuu ka diiwaangashan yahay oo laga leeyahay dlaka Liberia waxaana lagu magaacaabaa Vega Mercury, waxayna galka hore ee daroogada ku soo qoreen 'hilib xalal ah'.

Qoraalka sawirka,

Khariirad muujineyso Dakadda Oran halka ay dalka Aljeeriya kaga taallo iyo Dakadda Valencia halka ay Spain kaga taallo