Seynisyahano jarmal ah oo ka digay xanuunada ka dhasha cayilka faraha badan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Seynisyahano jarmal ah oo ka digay xanuunada ka dhasha cayilka faraha badan

Seynisyahano u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxaa ay shegeen inay ogaadeen in aysan suurtagal aheyn in qofka uu helo caafimaad wanaagsan, haddii miisaankiisu uu ka sara maro qiyaasta caadiga ah.

Cilmi baarayaashan ayaa waxaa ay muddo labaatan sanno ah baaritaan ku hayeen inkabadan sagaashan haween ah oo u kunool dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dareen in dadka aadka u cayilan ay khatar ugu jiraan inuu wadnaha istaago iyo inuu ku dhaco cudurka Stroke-ga oo qofka angajiya lug iyo gacan.

Cilmi baarayaashan ayaa waxaa ay ku talinayaan in dadku ay cunaan cunnooyin isu dheeli tiran, ayna sidoo kale sameeyaan Jimicsi.

Haddaba Cilmi baaristan ayaa waxaanu ka waraysannay Dr Cabdulqaadir Xuseen Warsame, wuxuu u warramay Weriyaha BBC-da Axmed Badar.