Dad akoonadooda lacago lagala baxay kadib markii bangi uu qeybiyay xogtooda shaqsiga!

Dadka qaar ayaa lacago badan laga xaday Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Dadka qaar ayaa lacago badan laga xaday

Bangiga TSB ayaa waraaqo raaligalin ah u direy qaar ka mid ah macaamiishiisa, taas oo ku saabsan cillad ku dhacday barnaamij xagga tiknoolajiyadda ah oo uu ku shaqeeyo.

Balse dhibka dhacay ayaa waxa uu ahaa in dadkii waraaqaha loo direy kuwa aan ahayn ay gaareen, taasna ay tahay dambi iyo ku xad gudub sharci cusub oo dhawaan laga hirgaliyay guud ahaan Yurub.

Sharciga cusub ayaa waxa uu mamnuucayaa in xogta shaqsiga lala wadaago qof aan ahayn kii lahaa.

Waraaqaha waxaa ku qornaa magaca buuxa ee macaamiisha, ciwaankooda iyo taleefoonkooda.

Xildhibaan ka tirsan guddiga maaliyadda Ingiriiska oo lagu magacaabo John Mann ayaa sheegay in ay jirto halis ah in dadka magacyadooda lala wadaagay dadka kale ay bangiga geyn karaan maxkamad, kana gar heli karaan.

Bangigan waxa uu leeyahay illaa 5 milyan oo macaamiil ah , waxaana dhacday in ay cillad ka qabsatay adeegga internetka ay dadka akoonadooda uga isticmaalaan.

Qof ka mid ah dadkii waraaqaha qaldan heley ayaa sheegay in ay u suurtoobi kartay in uu woco qofkii lahaa warqada, kadibna isaga dhigo bangiga, kalana hadlo waxyaabo xasaasi ah oo ku saabsan maaliyadooda.

Xafiiska faafreebka xogaha shaqsiga ah ee UK ayaa sheegay in uu la socdo qaladka dhacay, islamarkaasna diiwaangalinayo canashooyinka ka imanaya shacabka ee ka dhanka ah bangigan.

Sharciga cusub ee dhawaan la meelmariyay ayaa lagu magacaabaa GDPR (Genera Data Protection Regulation), waxaana ku xusan ciqaabo iyo ganaaxyo kale duwan oo ku dhacaya ciddii jabisa, gaar ahaan bangiyada iyo shirkadaha ganacsiga oo inta badan lagu eedeeyo in ay ka ganacsadaan xogta dadka si ay macaash uga sameeyaan.

Waxaa la sheegay in qaladka ka dhacay bangiga uu durba saamayntiisa yeeshay, kadib markii dad tuugo ah ay xiriiro la sameeyeen dad macaamiil ah iyaga oo iskaga dhigaya bangiga.

Qof ka mid ah macaamiisha bangiga ayaa BBC-da u sheegay in bangigiisa lagala baxay lacag gaaraysa £13,000.

Mowduucyada la xiriira