Burcad mootooyin saarnaa oo dad badan ku laayay dalka Nigeria

Dhowr iyo toban qof ayaa ku dhimatay isku dhacyadan hubeysan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhowr iyo toban qof ayaa ku dhimatay isku dhacyadan hubeysan

Mas'uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegaya in kooxo burcad ah oo lo'da dhacda ay gobolka Zamafara ee woqooyiga dalkaasi ku dileen in ka baadan 20 qof.

Burcaddan oo mootooyin saaran ayaa weeraray tuulada Zanoka waxa ayna rasaas ku fureen dadkii tuuladaasi degnaa, waxayna sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo.

Rabshadaha la xiriira lo'da la kala dhaco ee dalkaasi Nigeria ayaa soo jirtay muddo ka badan inta ay socdeen collaadaha kale ee dalka ka jira sidakacdoonka kooxda islaamiga ah ee Boko Xaraam iyo kan mintidiinta u dagaalamaya kheyraadka saliidda ee ka jira koonfurta dalkaasi.

Rabshadaha ayaa xoogeystay bilihii la soo dhaafay waxaana hadda lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan kuwa ku dhintay collaadda kooxda Boko Xaraam ay ka waddo woqooyiga Nigeriya.

Inta badan rabshadahan ayaa waxa ay ka jiraan gobolka bartamaha ee ay dadka xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah ay ku loolamayaan kheyraadka yar ee halkaasi ka jira.

Collaadda ka aloosan halkaasi ayaa lagu tilmaamaa mid u dhaxeysa Muslimiinta reer guuraaga ah iyo masiixiyiinta beeroleyda ahi.

Balse collaadda ayaa intaa ka qoto dheer, waxaana ku lug leh siyaasiin iyo kooxo dambiileyaal burcad ah.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in collaaddani ay salka ku hayso maamul xumo dhanka dowladda ah.

Ciidmada ammaanka ayaan hawl kar ahayn ama waxaa hareeyay musuq, arrimahaasi oo sababay in ay qeyb ka noqdaan mashaakilka.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid xal u heshay sidii loo xaqiijin lahaa in dadka reer guuraaga ah ee lo'leyda ay isaga kala gooshta waddamada galbeedka Afrika in aysan isku dhicin dadka kale beeroleyda ahi.