Muhiimad caynkee ah ayuu leeyahay shirka Baydhabo?

Shirka Baydhabo Lahaanshaha sawirka Raadiyoow Muqdishoow

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka waa mid loo dhanyahay marka laga hadlayo mas'uuliyiinta ka qaybgalaya , gaar ahaan madaxda federaalka, waxaana kulanka kasoo xaadiray madaxweyne Farmaajo, Ra'isulwasaare Kheyre iyo xitaa Ra'isulwasaare ku xigeenka iyo wasiirka amniga.

Magaca shirka ee ah 'Shirka Amniga Qaranka' ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020-ka sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho.

Markii ugu dambaysay ee ay madaxdan kulan isugu yimaadaan wuxuu dhacay bishii feberaayo ee sanadkan, kiisa xigana waxaa lagu balamay in uu dhoco 28-dii Maarso, balse taas ma uusan qabsoomin sababo la xiriira madmadoow soo kala dhex galay federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shirka amniga Soomaaliya oo madaxda dalka uga furmaya maanta Baydhabo

Dr Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed oo BBC-da la hadlay ayaa sidan qaba "Waxaad moodaa in uu fursad bixin doono shirkan oo ah in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay si gaar gaar ah iyo si guudba isu arki doonaan, bal xoogaa loo turxaan bixiyo kala shaki waayadaan dambe soo kala dhexgalay".

Gocashada Dowlad Goboleedyada

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Xitaa hab maamuuska fadhiga, labo saf ayaa la kala yahay

Dowlad goboleedyada bishii hore ayay Baydhabo ku Shireen, ayay walaac ka muujiyay in dawladda dhexe aanay wax tilaabo ah horey ugu qaadin heshiisyadii hore ee dhigayay in dawladda federaalka ay ka caawinayso ciidanka booliska dawlad goboleedyada oo ay ku jiraan kuwa daraawiishta hub, saanad,agab ciidan, raashin, dawo, gunno, tababar iyo tayayn si ay ugala qayb qaataan ciidanka qaranka dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixsada.

Balse halka ay sarta ka qurunsantahay waxaa markale sharaxaya Bursaliid oo yiri "Maamul goboleedyada oo marka aad eegtid dhul ahaan meelaha ay ka taliyaan ay is xijinayaan arrimaha amniga, xukuumadana inkasta oo aysan Xamar dhaafsanayn haddane idinkii guud ay haysato".

Haseyeeshee waa la'isku qasbanyahay sida uu qabo Bursaliid "Sandeeradii dalalka gobolka iyo beesha caalamka loo doonan jiray waa lasoo afjaray, xukuumadana loo idmay in wixii amni ah iyada ka hadasho, waxaad moodaa in la isku qasbanyahay".

Is aragga madaxda

Markaba laga soo gudbo ajandayaasha miiska saaran ee shirka iyo heshiisyada qoran ee horay loo gaaray, waxaa jira waxyaabo quluubta ku kaydsan oo ay tahay in is afgarad laga gaaro sidii loo wajihi lahaa.

Dowladda federaalka oo hadda lugaheeda dhinac isugu duwatay, islamarkaasna laantii fulinta, sharci dajinta iyo xitaa garsoorkii ay u muuqdaan kuwa hal dhinac wax u wada wada, ayay u egtahay in markan ay diirada saarayso sidii ay u heli lahaayeen waddo ay kula macaamilaan.

Madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan uu waqtiga ka dhacayo, doorashooyinka kusoo food leeyihiin, qaarkoodna khilaafyo siyaasadeed ku furanyihiin ayaa u arka dowladda federaalka mid iyaga miji xaabin la damacsan, waxaana taas laga dheehan karaa haddaladii badnaa ee kasoo baxay madaxdan , gaar ahaan hadal uu dhawaan saxaafadda siiyay guddoomiyaha gole ay leeyihiin, Cabdiwali Gaas oo yiri "Muqdisho Soomaaliya ma ahan, Soomaaliyana Muqdisho ma ahan".

Dr Bursaliid waxa uu qabaa in muhiimada ugu weyn ee uu shirkan leeyahay ay tahay in ay si fool ka fool ah isu arkaan madaxda, si guud iyo si gaar gaar ahba, ayna jirto fursad ay wax iskula meel dhigi karaan.

Waxaase aad looga war dhawrayaa war murtiyeedka kasoo bixi doona shirka, kaas oo kala caddeyn doona haddii ay jirto wax isu soo dhawaansho ah iyo haddii kale.

Mowduucyada la xiriira