"Ragga oo kaliya ah ayaa hoggaamin kara shirkadaha diyaaradaha"

Akbar Al Bake ayaa looga bartay hadallo iska soo horjeedo Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Akbar Al Bake ayaa looga bartay hadallo iska soo horjeedo

Shirkadaha diyaaradaha adduunka waxay doonayaan in haween badan ay shaqo siiyaan balse waxay u muuqata in aanan loo sheegin ninka madaxa u ah shirkadda diyaaradaha ee Qatar.

Akbar Al Bakir oo ah guddoomiyaha waaxda duulimaadka caalamka ahna madaxa shirkadda duulimaadka Qatar ayaa sheegay in duulimaadyada diyaaradaha ay hoggaanka u qaban karaan oo kaliya ah ragga taaso ay ka dhigantahay in shirakaddiisa aysan shaqo siin doonin dumarka.

Bakir wuxuu yiri " dabacan ragga ayaa maamulka u qaban karaa oo kaliya ah duulimaadyada sababtoo ah waa shaqo dhib badan"

Wuxuuu hadalkani ka jeediyay xilli uu ku sugnaa kulan sanadle ah oo looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa tirada dadka kala duwan ee ka shaqaynaya duulimaadka caalamka.

Hadalka Akbar ayaa goobta ka dhaliyay sawaxan iyo qaylo looga soo horjeedo inkastoo markiiba uu u muuqday mid si faafahinaya hadalka kasoo yeeray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkadda duulimaadka Qatar ay ahayd shirkaddii ugu horreysay ay yeelato duuliyeyaal haween ah sidoo kalena shaqooyin sare ayay halkaasi kasoo qabteen.

Akbar Al Bakir madaxa shirkadda Qatar wuxuu yiri "waan dhiiragelinaynaa haweenka, waxaan u arkaa inay xirfad u hayaan shaqooyinka maamulka ee duulimaadyada"

Baker wuxuu sheegay inuu soo dhawaynaya haweenka hoggaamiyeyaasha ka ah shirkadaha duulimaadka islamarkaasna uu tabbabar u fidin doono.

Dalalkii Qatar go'doomiyey oo soo debcay

Dumarka Qatar oo qalinkooda kula dagaalamaya go’doominta

Ma ahaan markii ugu horeysay uu madaxa shirkadda Qatar uu kasoo yeero hadallo iska soo horjeedo oo is burinaya.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Bakir lagu amray inuu raalli gelin bixiyo kaddib markii shaqaalaha duulimaadka Mareykanka uu ku tilmaamay "Habro"

Willie Walsh oo ah madaxa shirkadda duulimaadka IAG ee Ingiriiska laga leeyahay oo isagana goobta ku sugnaa wuxuu sheegay in shirkadaha looga baahan yahay inay dumar badan shaqaalaysiiyaan.

Wuxuu yiri " Shirkadda Aer Lingus ayaa haweeneydii ugu horreysay shaqaalaysiisay sanadkii 1977-kii, waxay qaadatay 40 sana in haweenka ay helaan qoonadada boqolkiiba 10"

Mowduucyada la xiriira