Maxay sameeyaan dalalka muhaajiriinta iyo carruurtooda kala sooca?

Tirada dadka muhaajirinta ah ee soo galaya Mareykanka ayaa kor u kacday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Tirada dadka muhaajirinta ah ee soo galaya Mareykanka ayaa kor u kacday

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo lagu magacaabo Jeff Session ayaa difaacay in waalidka iyo carruurtooda lagu kala sooco xuduudda Mexico marka ay dadka muhaajirinta ah soo galayaan dalkaas, balse arrintan ayaa si weyn loo cambaareeyey.

Waxaa bishii la soo dhaafay la meel mariyey sharci lagu ganaaxaya dadka waaweyn ee xuduuda ka soo gala ,qaarkood ayaa ah magangelyo doon , balse marka ay wajahaan dacwooyinka ka dhanka ah inay si sharci darro ah ku soo galeen dalka ayaa waxay saameynaysa carrruurta ay waalidka u yihiin ee ku wehliyey safarka.

Ka dib maxaa dhacaya?

Mr Session ayaa sheegay in dadka waddanka ku soo gala sida sharci darrada ah lagu soo eedeeyn doono fal dambiyeed, taasi oo beddelayso sharciyada horay loogu beegsan jiray dadka gala dambiyadan oo kale.

Marka dadka waaweyn lagu soo ooga dambigan , ayaa waxaa laga reeba carruurtooda.

Waxaana lagu wareejiyaa waaxda caafimaadka iyo adeegyada aadanaha ,balse saraakiisha waaxdaasi ayaa sheegay in goobaha lagu xannaaneeyo carruurtaas ay sii noqonayso gabaabsi.

Labadii todobaad ee ugu horreysay waxaa 658 carruur oo ay ka mid yihiin ilmo aad u yar yar laga reebay waalidkood, sida ay sheegtay waaxda dalka Mareykanka u qaabilsan arrimaha xudduuda.

Haseyeeshe arrimahan ayaa horay u jiray, sida ay warbixinta sheegayso qoysas ka badan 700 ayey arrintan saameysay intii u dhexeysay bishii October iyo April.

Carruutan ayaa laga yaabaa inay mararka qaar dib ula midooban qoysaskooda, kaddib marka waalidka laga soo sii daayo xabsiyada. Haseyeeshe waxaa jira in bilooyin iyo todobaadyo aysan kulmin ama aysan is arag waalidka iyo carruurtooda.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Qoysas muhaajirin ah

Labadii todobaad ee ugu horreysay waxaa 658 carruur oo ay ka mid yihiin ilmo aad u yar yar laga reebay waalidkood, sida ay sheegtay waaxda dalka Mareykanka u qaabilsan arrimaha xudduuda.

Haseyeeshe arrimahan ayaa horay u jiray, sida ay warbixinta sheegayso qoysas ka badan 700 ayey arrintan saameysay intii u dhexeysay bishii October iyo April.

Carruutan ayaa laga yaabaa inay mararka qaar dib ula midooban qoysaskooda, kaddib marka waalidka laga soo sii daayo xabsiyada. Haseyeeshe waxaa jira in bilooyin iyo todobaadyo aysan kulmin ama aysan is arag waalidka iyo carruurtooda.

Muxuu Mareykanka u sameynayaa arrintan?

Waxaa dalka Mareykanka ku soo badanaya tirada dadka sida sharci darrada ah ku soo gala . marka la isbarbardhigo sanadkan iyo 2017-kii tirada ayaa gaartay sanadkan 160% , iyagoo si sharci darra ah u soo gala dalka Mareykanka.

Waxaan cadayn in sharciyadan cusub ee la meel mariyey ay yareyn doonto ama joojin doonto dadka waddanka sida sharci darrada ah ku soo galaya. Dadka ayaa badanaa ka soo carara wadamada ku yaalla bartamaha Mareykanka sida El Salvador, Guatemala iyo Honduras.

Hay'adaha u ololeeya arrimaha bini'aadanimada ayaa si weyn u dhaleeceeyey arrintan waalidka iyo carruurtooda lagu kala saarayo xudduuda, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelanayso carruurta.

Balse Mr Sessions ayaa difaacay in yoolkooda aysan ahayn inay waalidka ka reebaan carruurtooda ,balse badanaa ma suurta gelayso in carruurta iyo walidiintooda isku meel lagu hayo.

Muxuu yahay sharciyada u yaalla dalalka kale?

Ma jiro dal sida Mareykanka carruurta iyo waalidkooda magangelya doonka ah ku kala reeba xuduuda ,sida ay sheegeen dadka u ololeyo xuquuda bini'aadamka .

Midowga Yurub , oo wajahay cambaareyntii ugu badnayd muddo 30 sano ah, ayaa dadka soo galootiga ah ku haya xaruumaha muddo dheer, iyagoo sugaya codsiyada ay u gudbisteen , balse waxay ku dadaali jireen inaysan kala saarin carruurta iyo waalidkooda.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Xuduudda u dhexeysa Mareykanka iyo Mexico

Waddanka Australia, oo haysta sharciyada adduunka ugu adag dhanka dadka magangelyo doonka ah ayaan ka jirin sharciga ah in waalidka iyo carruurtooda la kala reebo ama la kala saaro.

Canada ayaa heshiis kula gashay Mareykanka inaan la ogolaanin codsiyada dadka magangelya doonka ah oo ka imaanaya Koonfurta. Hase yeeshee weli dalka Canada ayaan weli lagu arkin arrintan waalid iyo carruurtooda lagu kala saarayo.

"Wuxuu hadda Mareykanka sameynaya, ma jirto wax lala barbardhigi karo" ayuu yiri Michael Flynn, oo ah madaxa mashruuca loogu magac daray Geneva-based Global Detention , oo lagu doonayo in lagu difaaco xuquuqda dadka muhaajirinta ah.