Kim Jong-un oo booqasho ku tagi doona Aqalka Cad!

Trump ayaa Japan kala hadlay kulanka isbuuca soo socda uu la yeelanayo Kim Jong-un Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump ayaa Japan kala hadlay kulanka isbuuca soo socda uu la yeelanayo Kim Jong-un

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fikirayo in madaxweyne Kim Jung-un uu ku casumo aqalka cad ee Maraykanka hadii kulanka Singapore ka dhacaya uu si fiican u qabsoomo.

Donald Trump ayaa hadalkan jeediyey kadib kulan uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Japan Shizo Abe.

Trump waxuu sheegay inay jirto suurtogalnimo ah in la dhameeyo colaada labada Kuuriya

Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa doonaya inay arkaan Kuuriyada Waqooyi oo ka tanaasusha hubkeeda nuclearka balse madaxweyne Trump ayaa qiray in taasi ay waqti qaadan karto.

Madaxweyne Trump ayaa cadeeyey in kulanka Kim Jong-un uu noqonayo mid wadahadal saaxiibtinimo ah

Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaasi ku daray inay jiraan cunaqabatayn badan oo uu saari karay Kuuriyada Waqooyi, balse rajo weyn laga qabo wadaxaajoodka.

Mar la weydiiyey in Trump uu Kim Jong-un ku casumayo Florida ayaa waxa uu ku jawaabay.

'Marka hore waxaaan ku kulmaynaa Aqalka Cad, Maxay idinla tahay?'

Ra'iisul wasaaraha Japan ayaa si joogta ula kulmaya madaxweyne Trump tan iyo intii uu Trump xilka qabtay

Shinzo Abe ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi uu kala hadlo dad Japan u dhashay oo la haysto