Tabarucaad caruurta danyarta ah loogu aruurrinayo lacagaha ciida oo ka soconaya Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tabarucaad caruurta danyarta ah loogu aruurrinayo lacagaha ciida oo ka soconaya Muqdisho

Inta badan xiligaan oo kale ciida ramadaanka ayaa waxaa jiro dad Soomaali ah oo juhdi badan galiyo in laga farhiyo caruurta agoonta ah iyo kuwa kasoo jeedo qoysaska saboolka ah ee aan awoodin inay caruurtoodu ay ciidsiiiyaan.

Hay'adda SOHEDA oo ah jamciyad maxali ah oo ka shaqaysa waxbarashada iyo hormarinta bulshada, kaalmeysana dadka aadka u liidata ayaa haatan aruurineyso tabarucaad lagu ciidsiinayo caruur gaareys 400.

Madaxa ahna aasaasaha Jamciyada SOHEDA xildhibaan Yusuf Xeyle Jimcaale oo horkacayo dadaalada lagu caawinayo caruurta agoonta ah ayaa Fardowsa Maxamed Cilmi uga waramay howshaan ay ku ciidsiinayaan caruurta agoonta ah iyo halka ay u mareyso?