Warbaahinta K/ Waqooyi oo bogaadisay kulankii Trump iyo Kim

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxay si wayn uga warrantay kulankii Trump Iyo Kim Lahaanshaha sawirka RODONG SINMUN
Image caption Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxay si wayn uga warrantay kulankii Trump Iyo Kim

Kuuriyada Waqooyi ayaa u dabbaaldegtay kulankii Trump iyo Kim oo ay ku tilmaantay guul taarikhi ah,warbaahinta dowladda ayaa ku warramaysa in Mareykanku uu cunaqabataynnada ka qaadi doono dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa Talaadadii kala saxiixday heshiis ku saabsan nabadda iyo ciribtirka Nukliyerka gobolka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in cunaqabataynnada saaran Kuuriyada Waqooyi laga qaadi doono wakhti uusan shaaca ka qaadin.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxaa maamula dowladda, waxayna ka warrantaa howlaha ay dowladdu raali ka tahay oo kali ah.

Waxaa dhif iyo naadir ah inay toos u tabiyaan howlaha hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un.

Sawirrada kulankii Trump iyo Kim ayaa si wayn uga muuqday bogaga hore ee jaraa'idayada dalkaasi.

Wargeyska Rodong Sinmuna ayaa bogagiisa hore kusoo qoray 'Kulankii qarniga"

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA ayaa daabacday maqaal soo jiidasho leh oo lagu qoray luqadda Ingiriiska kaaso ammaan la dul dhacay kulankii taarikhiiga ahaa ee hogaamiyayaal labadan dal ka socdo ay yeeshaan.

Cunaqabataynta

Heshiiskii ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye ayaa dhigaya in Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay samaystaan xiriir cusub.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Trump wuxuu sheegay in Kim uu yahay qof wanaagsan

Xukuumadda waxay sheegtay inay burburin doonto goobaha ay ku tijaabiso Nukliyerka.

Wakaaladda wararke ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa sheegtay in waxyaabaha kasoo baxay kulanka ay ahmiyad u leeyihiin Kuuriyada Waqooyi.

KCNA ayaa intaasi ku dartay in labada hoggaamiye ay ballan qaadeen in booqasho ay ku kala tegi doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda ayaa soo xigatay Kim Jung-Un oo sheegaya 'inay degdeg ahayd inuu gaaro go'aanka geesinimada leh oo lagu joojinaya tallaaboyinka iyo handadaadka militari ay lais weeydaarsanayay'

Mowduucyada la xiriira