Habaas daboolay Delhi

Habaas ku habsaday magaalada ayaa sii murjiyey xaaladda Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Habaas ku habsaday magaalada ayaa sii murjiyey xaaladda

Dadka ku nool caasimadda India ee Delhi ayaa la daalaa dhacaya hawada washakhaysan ee magaalada iyo heerkulka oo gaaray heer uusan gaari jirin, maadaama magaalada uu habaas daboolay.

Dadku waxay ka sheeganayeen dhibaatooyin xagga neefsashada ah, ayadoo tiro bandanna ay magaalada ku sifeeyeen mid aan lagu noolaan karin.

Waxaa lagula taliyey dadka in ay guryaha ku jiraan..

"Xaaladdan oo kale, habaaska ayaa noqday mid wasakh sida, heerka wasakhdana 8 ilaa 9 goor ayuu ka sarreeya heerka caadiga ah. Markii aan neefsanno, waxaan qaadanaynaa waxyaabo sun ah, oo saamayn caafimaad yeelan kara" sidaa waxaa tiri Anumita Roy Chowdhury, agaasimaha fulinta ee xarunta sayniska iyo bii'ada.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Delhi waxay horeba u ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu wasakhda badan dunida

Delhi horeba waxay u ahayd mid ka mid ah magaalooyinka hawadoodu ugu wasakhda badan tahay dunida, laakin isbeddelka cimilada ayaa uga sii daray dhibaatadii ay ku qabeen dadka ku nool.

In badan oo dadkaas ka mid ah ayaa baraha bulshada soo dhigay walaacooda, ayagoo xukuumadda ka codsaday inay talaabo qaaddo.

Marka la gaaro bilaha Nofembar iyo Disembar sannad kasta waxaa aad u xumaada tayada hawada, beeralayduna waxay miraha sii goostaan ka hor xilligaas.

Heerka dikhowga hawada ayaa gaaray ilaa 30 goor inta ay hay'adda caafimaadka adduunka u astaysay in ay tahay heerka bedqabka ee magaalada Delhi sannadkii hore.

Mowduucyada la xiriira