Ahmiyad noocee ah ayay leeyihiin xawaaladaha lacagaha ee Soomaalidu adeegsadaan?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ahmiyad noocee ah ayay leeyihiin xawaaladaha lacagaha ee Soomaalidu adeegsadaan?

Maanta oo kale 16 bisha June ayaa dunida sanad walba laga xusaa maalinta caalamiga ah ee xawaaladaha, taasi oo looga gol leeyahay in lagu aqoonsado ahmiyada ay leedahay lacagaha ay dadka qaxootiga ah iyo kuwa kale ee caadiga ahba ay dib ugu celiyaan dalalkooda.

Sidoo kale xuska maalintan ayaa loogu talo galay in hay'adaha caalamiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay lagu dhiirigaliyo inay si wadajir ah uga shaqeeyaan in sare loo qaado lacagaha la marsiiyo xawaaladaha si looug horumariyo caalamka.

Haddaba, xawaaladaha Soomaalida oo dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ay dadku si weyn u adeegsanayeen ayaanu waxaa ka wareysanay Maxamuud Jimcaale Cawale oo xubin ka ah gudiga xawaaladaha dalka Kenya, sidoo kalena madaxa xawaalada Taaj Money Transfer Limited ee dalkan waxa uuna ahmiyada xawaalaha uga waramay Fardowsa Maxamed Cilmi