Dad gaaraya soddon qof oo lagu dilay Nigeria

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption madaxa ciidammada milateriga ee Nigeria

Dagaalamayaal loo maleynayo inay katirsayihiin kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa weeraray magaalada Damboa ee waqooyiga bari ee dalkaasi, halkaasi oo ay ku dileen dad gaaraya soddon qof.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalkaasi waxaa ay shegeen in lix haween ah oo isa soo midaamiyay ay ku lug lahaayeen weerarka, waxaana dadka deegaanku ay shegeen in madaafiicda garabka laga tuuro ay sidoo kale ku weerareen goobtaasi.

Weerarkan ayaa waxaa lala eegtay dad ka soo laabtay debaal dega ciidul fitriga.

Mar sii horeesay ayaa madaxa ciidammada milateriga ee Nigeria waxaa uu dadkii ka barakacay collaada Boko Haram ugu baaqay inay dib ugu laabtaan guryahooda, oo uu sheegay inay yihiin kuwa ammaan ah.

General Tukur Buratai ayaa waxaa kale oo uu sheegay in kooxda Boko Haraam aysan ahyen khatar dambe oo heysata shacabka dalkaasi, kadib waxa uu ku tilmaamay howgal guuleystay oo ka dhan ah Boko Harm.