Dood ku saabsan barlamaanka dhalinyarada qaxootiga Kakuma iyo waxauu qabto
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ku saabsan barlamaanka dhalinyarada qaxootiga Kakuma iyo waxa uu qabto

Dhibaatooyinka heysta qaxootiga ayaa inta badan ah kuwa loo gudbiyo hey'adaha gargaarka ee gacanta ku haya, balse xerada qaxootiga ee Kakuma oo ay Soomaali badan ku noolyihiin ayaa waxaa laga hirgeliyay barlamaanka dhalinyarada, kaasi oo looga dooda dhibaatooyinka heysta qaxootiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Barlamaanka ayaa waxaa uu leeyahay xildhibaano, afhayeen barlamaan iyo wasiiro, waxaase ay dood ka taagantahay qaabka wasiirada ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka heysta qaxootiga.

Hadda weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato oo dhawaan booqday xeryaha qaxootiga ee Kakuma ayaa waxaa uu doodani dhex dhigay laba dhalinyaro oo qaxootiga Soomaalida ku metela barlamaanka, waa Yaasir cabdiqaadir oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo Zakariya Maxamed oo ah xildhibaan katirsan barlamaanka qaxootiga, waxaana dooda ku horumaraya Zakaria oo sharaxaya qaabka lagu soo doorto.