Maxaa keenay in dal magaciisa badalaya ay isku qabsadaan mid kale?

Ra'iisul wasaaraha Greece Alexis Tsipras (Midig) iyo Ra'iisul wasaaraha Macedonia Zoran Zaev oo ku kulmay xadka labada dal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisul wasaaraha Greece Alexis Tsipras (Midig) iyo Ra'iisul wasaaraha Macedonia Zoran Zaev oo ku kulmay xadka labada dal

Dalalka Greece iyo Macedonia waxay kala saxiixdeen heshiis looga golleeyahay in lagu xalliyo muran tobbonaan sanno soo socday oo ku saabsan waxa laga yeelaya magaca Macedonia.

Sida ku xusan heshiiska, Macedonia waxaa loogu yeeri doona magaca Waqooyiga Macedonia.

Ra'iisul wasaaraha Greece Alexis Tsipras wuxuu ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah oo dan ugu jirto shacabka labada dal.

Waxaa khilaaf ka taagna magaca Macedonia ilaa markii uu ka go'ay dalkani maamulkii Yugoslavia oo horay uu uga tirsanaa, muranka magaca ayaa dalka Macedonia u horseeday inuu ku biiri waayo Nato iyo Midowga Yurub.

Dalka Greece wuxuu in muddo ah ku anddacoonayay in magaca Macedonia la yiraahdo gobol ku yaalla dalka Greece.

Labada hoggaamiye ayaa shaaca ka qaaday heshiiska inakstoo ay jiraan dibadbaxyo la qorshayanaya oo looga soo horjeedo.

Ra'iisul wasaaraha Greece Tsipras iyo dhiggiisa Macedonia Zoran Zaev ayaa dusha kala socday heshiiska wasiirada arrimaha dibadda ay Axaddii ku kala saxiixdeen harada Prespa ee dalka Greece.

Heshiiska ayaa la filayaa inay ansixiyaan baarlamaanka labada dal halka dalka Macedonia ay ka dhici doonto afti ku saabsan ogolaanshaha heshiiska iyo in kale.

Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah

Shacabka ku dhaqan labada dal waxay sheegeen inay wareer gelin doonto dalka ay ka tirsan yihiin.

Sabtidii ayay ahayd markii Ra'iisul wasaaraha Greece uu ka badbaaday cod kalsoonida laga la noqon rabay kaaso lagu eedeeyay in Ra'iisul wasaaraha uu kala labaynaya heshiiska.

Muxuu ka dhigan yahay heshiiska?

Sida ku xusan heshiiska, dalka Qaramada Midoobay ay u aqoonsanayd Jamhuuriyadda Yugoslav of Macedonia waxaa hadda loogu yeeri doona Severna Makedonija ama Jamhuuriyadda Waqooyiga Macedonia.

Luqadda waxaa noqon doontaa mida shacabkaasi dalkaasi ay u yaqaanaan Macedonians.

Heshiiska waxaa kamid ahaa in dalka Greece uu cadaadiiska diidmada ah ka qaado dalkaasi oo ku aadan in dalkan loo bixiyay Waqooyiga Macedonia uu ku biiro Nato iyo Midowga Yurub.

Sidee looga baxsan karaa libaax ama harmacad?

Maxaa dhici karaa hadda?

Weli waxaa jiraa waddooyin badan oo furan ka hor inta aan si rasmi ah loo dhaqan gelinin heshiiska.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibadbaxyaal kasoo horjeedo heshiiska

Baarlamaanka Macedonia waxaa laga doonaya inay anxisiyaan heshiiska kaddibna waxaa la qaban doona afti bisha Septembr ama bisha Oktoobar.

Haddii dadka reer Macedonia ay 'Haa' u codeeyaan waa in dowladda ay baddasho dastuurka.

Xaaladda ayaa sii cakirnaan kartaa haddii uu madaxweynaha Macedonia Gjorge Ivanov diido inuu ansixiyo heshiiska.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweynaha Macedonia awood ayuu u leeyahay inuu ka hor yimaado heshiiska

Haddii uu madaxweynaha Macedonia uu diido inuu saxiixo heshiiska, waxaa dib loogu celinaya baarlamaanka si ay uga doodaan, haddii ay mar labaad ansixiyaan, madaxweynaha wuxuu ku qasban yahay inuu meel mariyo.

Baarlamaanka Greece ayaa lagu wadaa in ugu dambayn ay asixiyaan heshiiska balse ma noqonaya mid mari doono hannaan fudud.

Mowduucyada la xiriira