Maxay la oysay Meghan Markle maalintii arooskeeda Amiir Harry?

Meghan iyo Harry Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Meghan iyo Harry

Aabaha dhalay Meghan wuxuu shaaca ka qaaday in gabadhiisa ay oysay markii uu u sheegay inuusan ka qayb galaynin xafladdii arooska ahayd.

Thomas Markle oo ah aabaha Meghan wuxuu walaac ka muujiyay in maalinkii arooska uu kasoo hor muuqan waayay goobta gabadhiisa iyo prince Prince Harry ay isku mehersanaayeen

Wuxuu sheegay inuu ka qomamaynayo inuu ka baaqdo munaasabad taariikhi ah oo loo dhigayay arooska gabadhiisa.

Thomas Markle wuxuu sheegay in xafladdii arooska uu kala socday telefishiinka kaddib markii uu kasoo baxay qalliin dhanka wadnaha ah.

Wuxuu sheegay inuu ooyay markii uu daawanyay arooska gabadhiisa iyo wiilka reer boqor islamarkaasna ku tilmaamay 'mid qurux badan' oo 'qayru caadi ah' adduunkana sii toos ah looga daawanyay arooska gabadhiisa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Arooskii Meghan iyo Prince Harry

Wareysii dheer uu siiyay Telefishinka ITV wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in markii Prince Harry uu ka dalbanayay in gabadhiisa uu u guuriyo uu kala hadlay arrimo ay kamid tahay canuga dhalan doono iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

Thomas Markle waxyaabihii uu kala hadlay ninka gabadhiisa guursaday waxaa kamid ahaa.

Canuga dhalan doono

Marka uu wax ka weyddiyay ilmaha dhalan doono, wuxuu yiri prince Harry in gabadhiisa ay in muddo ah doonaysay inay hesho carruur.

Aaabaha Meghan wuxuu yiri " marka ay la kulmeen gabhayda wiilka reer boqor waxay ka wada hadleen xiriirkooda jacayl iyo aayaha dambe ee canuga dhalan doono"

Ka bixitaanka Midowga Yurub iyo arrinta Trump

Aabaha Meghan wuxuu sheegay in Prince Harry ay ka wada hadleen siyaasadda oo ay kamid tahay ka bixitaanka Ingiriiska ee midowga Yurub iyo arrinta Madxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Markle wuxuu yiri "waxaan cabasho ka waday Tump oo aanan jeclayn, wuxuu igu yiri Prince Hary "wakhti sii Donald Trump"

Wuxuu sidoo kale sheegay inkastoo aysan si qoto dheer uga hadlin arrinta ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub balse wuxuu ahaa mid diyaar u ah ka hadalka arrintaasi.

Xiriirka boqortooyada

Markii wax laga weyddiyay qoyska cusub, Aabaha Meghan wuxuu sheegay inuu doonaya in xiriir wanaagsan oo cusub la yeesho qoyska boqortooyada.

Wuxuu intaasi ku daray inuu doonaya inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska.

Aabaha Meghan wuxuu yiri " Waxay ogyihiin in aan jeclahay Meghan iyo Prince Harry. waxaan rajaynaya qoyska reer boqor inay fahmi doonaan dareenkayga"

Mowduucyada la xiriira