Trump: Maraykanka ma noqon doono xero qaxooti

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uusan aqbali doonin in Mareykanka uu noqdo xero muhaajirin islamarkaasna maamulkiisa uu wado howlgal ka dhan muhaajiriinta.

"Mareykanka ma noqon doono xero soo galooti iyo goob lagu hayo qaxootiga", Donald Trump ayaa hadalkaasi yiri xilli uu ka hadlayay aqalka cad.

Sawirro la soo qaaday toddobaadkan ayaa muujinayay carruur lagu hayo xero ku taalla gobolka Texas.

Madaxa xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay siyaasadda soo galootiga ee Mareykanka, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Madxweyne Trump wuxuu yiri isniintii " eeg waxa ka dhacaya Yurub iyo dalalka kale, ma aqbalayno in Mareykanka ay arrimaahasi ka dhacaan"

Hore ayuu u sheegay in dalalka Yurub ay sameeyeen khalad wayn oo ah martigelinta malaayiin soo galooti ah.

Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ku eedeeyay Dimuqraadiga sababtii aysan baarlamaanka horkeenin mooshin looga hadlayo siyaasadda ka dhanka ah soo galootiga.

"Askarta Itoobiya falal argagixiso ayay gaystaan"

Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya 'hal dal' laga dhigayo

Maxay tahay siyaasadda ka dhanka ah soo galootiga?

Ku dhawaad 2,000 carruur ah ayaa bilihii April iyo May waaliddiintooda looga qaatay xadka.

Carruurta ayaa lagu haya xarumo gaar ah balse wax dambi ah laguma soo oogin.

Sharciga wuxuu dhigaya in dambi lagu soo oogo dadka sida sharci darrada ku galaya Mareykanka oo ay kamid yihiin soo galootiga.

Axaddii ayay ahayd markii xildhibaanno ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ay boqdeen goobaha lagu hayo carruurta dadka soo galootiga si ay usoo arkaan.

Waxayna sheegeen inay qorshaynayaan in teendhooyin qaadi kara boqolaal carruur ah ay halkaasi ka dhisaan.

Dhaleecaynta loo jeedinayo Trump

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga dimuqraadiga iyo kuwo ka tirsan Jamhuuriga ayaa si wayn u cambaareeyay howlgallada ka dhanka ah carruurta.

Sidoo kale waxaa cambaarayn loo jeediyay hadallo kasoo baxay xaaska Trump oo ahaa inay neceb tahay inay aragto carruurta soo galootiga oo waalidiintood laga qaatay.

Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka, Laura Bush, ayaa ku tilmaantay hadalka Melania fuxshi iyo mid lamid ah sidii xeryihii militariga Mareykanka iyo Japan xilligii dagaalkii labaad ee adduunka.

Lahaanshaha sawirka Administration for Children and Families at HHS
Image caption Waa mid kamid ah Tendhooyinka laga sameeyay deegaanka Tornillo

Muxuu ka yiri maamulka Trump?

Wasiirka arrimaha gudaha Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa warbaahinta u sheegtay in aanan la aaminin warbixinnada sheegaya in meel lagu hayo carruurta muhaajiriinta.

Waxayna difaacday xeerka soo galootiga, ayadoo islamarkaasna sheegtay inay raaci doonan sharciga ayna Congress-ka ka baddeli doonan.

Nielsen waxay ku adkaysatay in soo galootiga isku dayayo inay u soo gudbaan xadka Mareykanka, oo ay khatar gelinayaan carruurtooda.

Nielsen ayaa si wayn dhaleecayn ula kulantay Axaddii ka dib markii barta twitter-ka ay kusoo qortay in wasaaradddeeda aysan samaynin siyaasad ka dhanka ah carruurta soo galootiga.

Mowduucyada la xiriira