Dumarka Hargeysa oo baranaya sameynta waxyaabo dibadda laga keeni jiray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumarka Hargeysa oo bartay sare u qaadidda dhaqaalaha qoyska

Waxa lagu soo gabogabeeyey magaalada Hargaysa tabobar u socday haween qoysaskoodu danyar yihiin oo la barayey sare u qaadidda dhaqaalaha qoyska, xirfadda cunto karinta iyo waxyaabaha kale ee ka caawin kara kor u qaadidda dhakhligooda.

Tababarkaas oo socday shan maalmood waxaa bixinaysay hay'adda Intarnational Finances Co-operation oo xidhiidh la leh baanka adduunka.

weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa tegay goobtii uu tababarku ka socday oo la hadlay dumarka ka faa'iideystay iyo kuwa tababarka bixinayay oo warbixintan nooga soo diray.