Canada oo 15 sano ku xukuntay Soomaali afduub ka qayb qaatay

Sawirka Cali Cumar Adeer Lahaanshaha sawirka Courtesy RCMP
Image caption Sawirka Cali Cumar Adeer

Nin Soomaali ah ayaa lagu riday xukun 15 sano oo xarig ah ka dib markii uu ka qayb qaatay dhacdo magaalada Muqdishu lagu afduubtay wariye u dhashay dalka Canada, sida ay ku warramayaan wabaahinta dalkaasi.

Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa bishii Disembar lagu soo oogay dambi ah inuu ku lug lahaa dhacdo lacago madax furasho looga qaadanayay wariyaha la afduubtay.

Adeer ayaa sannadkii 2015-kii booliska Canada waxay ku qabteen magaalada Ottawa.

Amanda Lindhout oo uu ahayd weriye u dhalatay Canada iyo sawir-qaade u dhashay Australia oo lagu magacaabo Nigel Brennan ayaa agagaarka magaalada Muqdisho ay koox ku afduubatay sannadkii 2008-dii.

Maxkamadda ku taalla Ontario ayaa Isniintii ku ridday xukunka Cali Cumar Adeer.

Intii ay socotay dhagaysiga dacwadda, garsoorayaasha waxay ku andacoonayeen inuu wadaxaajood ugu jiray maleeshiyaadkii afduubtay weriyeyaasha si ay u qaataan lacago madax furasho ah.

Adeer ayaa culays saaray qoyska Lindhout iyo Brennan si ay lacago u bixiyaan, ayagoo markii dambana bixiyey.

Lahaanshaha sawirka Facebook/Amanda Lindhout
Image caption Weriye Lindhout oo Muqdisho lagu afduubtay sannadkii 2008-dii

Weriye Lindhout iyo Brennan ayaa qori caaraddiis lagu qafaashay xilli ay warbixinno ka diyaarinaayeen dadka barkacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad hubaysan ayey 460 cisho u afduubnaayeen, ka hor inta aysan xoriyaddooda dib u helin bishii November ee sannadkii 2009-kii.

Weriyeyaasha intii ay afduubnaayeen waxay sheegeen in la jir dilay lana garaaci jiray.

Todoba sano markii ay kasoo wareegtay sii daynta weriyeyaasha, baarayaal ka socda booliska Canada ayaa waxaa u suuro gashay inay Canada ugu yeeraan Adeer si loogu siro qorshe been ah oo u ku saxiixaya qandaraas lagu daabaacayo buug ka hadlaayo taarikhda Soomaaliya, sidaasi ayayna booliska ku qabteen Adeer.

Sawir-qaadaha ayaa markii dambe ka codsaday garsooraha inuu iska cafiyo Adeer balse ma aysan suuro gelin.

Mowduucyada la xiriira